Postby Siciid85 » Thu Mar 10, 2011 12:09 pm
Xukuumadda Soomaaliland oo Si rasmi ah shaqadii uga joojiyey Talafiishanka Universal TV.
THURSDAY, 10 MARCH 2011
Xukuumada Somaliland ayaa gabi ahaanba shaqadii uu ka Jamhuuriyada Somaliland ka joojisay Telefishanka Univers
al, kaasi oo ay sheegeen inuu ku xadgudbay xeerarka saxaafada isla markaana ay Somaliland ka dhex wadeen isku dir iyo khalkhal gelin.
Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade, iyadoo warsaxaafadeedkaasi lala socodsiiyay dhamaan xarumaha Badhasaabada iyo Taliyayaasha Booliska Gobolada Somaliland, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta.
Warsaxaafadeedkaasi oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Togdheernews ayaa waxa uu u dhignaa sidan
“Jamhuuriyada Somaliland oo ku caanbaxday Nidaamka Dimoqraadiyada iyo ku dhaqanka Xuduudaha caalamiga ah ee xoriyada Saxaafada xadka u ah iyo weilba u dulqaadashada saxaafada socod baradka ah oo cid kasta ka markhaati kacayso, ayaa waxa uu maanta Telefishanka Universal nagu khasbay inaan si rasmi ah uga joojino dhamaan hawlgaladii dhinaca Warbaahinta ee uu ka waday dalka Jamhuuriyada Somaliland gabi ahaantii laga bilaabo 10.03.2011, ka dib markay ku xadgudbeen xeerarka Saxaafada iyo dhamaan qodobadii ku salaysnaa xeerarkaasi ee ay ku balanqaadeen qoraalkii 19.10.2011 la dib markii hore sidan oo kale looga joojiyay shaqada warbaahinta ee Somaliland ee ay isku dir iyo khalkhal gelin mooyee wax kale ka shaqayn weyday.
Sidoo kale waxanu isku daynay in Tv-ga Universal uu cudurdaar ka bixiyo warkii beenta cad ahaa ee ay sida badheedhka ah ugu sheegeen isku dhicii Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo kooxihii diidka ahaa ee gabaadka ka dhigtay degmada Buuhoodle kuna tilmaamay taangiyo madaxa looga mariyay dad shicib ah iyagoo u adeegsaday war uu wariyuhu kelidii been abuurtay iyo sawiro been abuur ah, kaasoo ay isagana ka baaqsadeen in wax jawaab ka bixiyaan qoraal rasmi ah oo loo qoray 2.03.2011.
Sidoo darted markaanu kala quusanay Tv-ga Universal ku dhaqanka runta, dhexdhexaadnimada iyo isku dheelitirka wararka isla markaana ka baxeen balanqaadkoodii ahaa inay ku dhaqmi doonaan arrimahaaasi, kana soo jawaab bixin waayeen qoraalkii iyo xidhiidhadii sigaadhsiinta ee aanu la yeelanayba waxanu ku wargelinaynaa mulkiilaha iyo maamulaha Tv-ga Universal in laga bilaabo 10/03/2011 aanu joojinay hawlgaladii warbaahineed ee ay ka hayeen dalka, cidii mudadaa wixii ka danbeeya ka hawlgashana sharciga la horgeyn doono.
Ciidamada Amniga ee dalka waxaanu la socodsiinaynaa inay ka gutaan waajibkooda cid alaala cidii ku xadgudubta joojinta Hawlgalka Tv-ga Universal ee taariikhdeedu kor ku xusan tahay”
Togdhnews