Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Khilaafka UCID Xalkiisu waa Sharciga ee Hala iimaansado

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Khilaafka UCID Xalkiisu waa Sharciga ee Hala iimaansado

Postby AsadSL » Mon Aug 15, 2011 7:45 am

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ka mid yahay saddexda xisbi qaran ee ka jira Somaliland, waana xisbi dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku haysta taageerayaal badan, inkasta oo doorashooyinkii
kala duwanaa ee dalka ka dhacay uu codadka uu bulshada ka helay ka hooseeyeen labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, haddana xisbiga UCID wuu ka sarreeyaa in lagu qiimeeyo kaalinta uu ka galay doorashooyinka, marka loo eego miisaankiisa siyaasadeed iyo sida uu mar walba u dheellitiri jiro hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Siyaasiyiinta wada aasaasay xisbiga mucaaridka ee UCID, isla markaana majaraha u hayey muddadii uu xisbigu jiray waxa ugu horreeyey Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyadoo Aadan Mire Waqaf-na uu awood badan geliyey xisbiga tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga dhiggay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga, lamana dafiri karo rag iyo dumar badan oo dhallinyaro ku jirto oo qudhoodu hormuud ka ahaa aasaaskii UCID, ilaa maantana hareer taagan xisbigooda, waxana xisbigaas lagu majiirtaa mawqifkiisa Somalilandernimo oo la odhan karo wuu kaga horreeyaa xisbiyada kalee dalka ka jira, iyadoo UCID iyo axsaabta kaleba aaminsan yihiin in qaddiyadda Somaliland aanay sinabada gorgortan u geli karin, dhanna looga soo wada jeedsado ilaalinta iyo adkaynta isku duubnida, jiritaanka, iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, nasiib-darro dhawaan ayey ahayd markii si lama filaan ah khilaaf culus uga dhex qarxay masuuliyiinta ugu sarraysa UCID, kuwaasoo isku qabtay hoggaaminta xisbiga, kadib markii muddo dhaaf ku yimi qabsoomida shirweynihii xisbigu yeelan lahaa, arrintaasina waxay dhallisay in tiro badan oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee UCID ku dhawaaqeen in Md. Aadan Mire Waqaf loo doorto Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee UCID, iyadoo Md. Waqaf-na uu magacaabay guddida qabanqabaada shirweynaha xisbiga oo ku beegan horraanta bisha September ee soo socota. Arrintaas waxa si xooggan uga cadhooday Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo kooxda ka soo horjeeda ku tilmaamay SSC ka dhex dillaacday xisbigiisa, isagoo eedaha ugu culusna dusha ka saaray Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo madaxda xisbiga ka mid ah, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Cirro isna muu aamusine inta uu makarafoonka qabsaday ayuu ku dhawaaqay in Faysal Cali-waraabe wakhtigiisii hoggaaminta xisbigu dhammaaday, isla markaana sidii loo beddelay lacagtii giimbaarta ahayd ee Burco isagana loo beddelay, hadalkaasina waxa uu si xooggan uga cadhaysiiyey Faysal Cali-waarabe oo intuu shir qabtay go’aansaday in xubinnimadii xisbiga laga qaaday Cabdiraxmaan Cirro iyo rag badan oo magac ku leh UCID.

Haseyeeshee, garabka aqlabiyadda ee Waqaf hoggaamiyo iyagu may odhan xubinnimadii waannu ka qaaday Eng. Faysal, waxayna ku doodeen in sharciga xisbigu dhigayo in masuulka laba jeer hoggaanka xisbiga soo qabtaa aannu mar saddexaad isa so sharraxi karin. Halkaas waxa ka dhashay khilaaf culus oo sababay in furayaashii xarunta UCID xukuumaddu la wareegto si ammaanka loo sugo. Taageerayaasha Faysal Cali-waarabe ayaa iyaguna dhigay mudaharaad ay ku dalbanayeen in furayaasha xafiiska xisbigooda loo soo celiyo. Rag waaweyn oo madax-dhaqameedyo ku jiraan ayaa iyaguna ku hanjabay in la dagaalami doono haddii xukuumaddu Faysal Cali-waarabe u soo celin weydo furayaasha.

Khilaafku waa qayb ka mid ah meertada nolosha bani’aadamka, horena waxa loo yidhi; ‘Maan rag waa mudacyo afkood!’ Markaa la yaab iyo ceeb maaha in khilaaf ka dhex abuuro xisbi dhisan, koox ama dawlad dhan oo dal u talisa, khilaafkuna wuxuu dhashaa marka ay jiraan wax la qabanayo iyo horumar lagu taamayo oo qolo walba dhinaceeda aaminsan tahay in fikirka iyo mabda’a ay waatan lagu gaadhi karo horumarka iyo guusha la hiigsanayo. Laakiin waxa ceeb iyo doqoniimo ah in khilaafka dhasha lagu kala kaco oo xal laga gaadhi waayo, isla markaana sababo burbur iyo khasaare ka badan wixii marka horeba lagu muransaaa, iyadoo hadhaw dhinac waliba farta dhexda ka qaniini doono. Hanjabaad iyo colaad-abuur dadku hore ayey soo arkeen oo maanta ma jirto cid dheg jalaf u siindoonta, ninkasta oo hanjaba iyo mid durbaanno colaadaysan abuurana waa geed qolof ka dhacday oo isaga ayuun baa is-xiijiyey.

Masuuliyiinta isku haya xisbiga UCID iyagoo tixgelinaya nidaamka siyaasadeed ee Somaliland ee ay saldhigga u yihiin nabadda, talo-wadaagga, wada noolaanshaha, dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xasiloonida dalka, waa inay isku tanaasulaan oo aqlabiyadda xisbogoodu halka ay raacdo isku waafaqaan, haddii kale go’aanka sharci ee Maxkamadda Dastuuriga ah ka dhursugaan oo wixii maxkamaddu goyso qadhaadh iyo macaan kuu doono ha noqdee lagu wada qancaa, illeyn sharciga meel ka sarraysa oo la maraa ma jirtee, qolada garta heshaana maaha inay ku digasho iyo awood-muquunis sheegato ee waxa qurux badan inay walaalahooda ay muddada dheer xisbiga ku soo wada jireen gacan nabadeed iyo qalbi saafi ah u fidiyaan si ay halkaas uga sii wadaan hayaanka iyo halganka xisbiga UCID ugu jiro inuu mar uun hanto hoggaaminta Somaliland.

Xalka khilaafka UCID ee xilligan aloosan waxa uu ku jiraa Maxkamadda Dastuuriga ah ee loo gudbiyey, go’aanka maxkamadda ka soo baxana waa go’aan sharci ah, hadday cid ku farxdo iyo haddii koox kale ka naxaysaba, waana waajib dastuuri ah in sharciga iyo xeerarka dalka loo hoggaansamo, lana iimaansado natiijyada ka soo baxda. Sida ku cad qodobka 34aad ee dastuurkana muwaaddin kastoo reer Somaliland ah waxa ku waajib ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka qaraninmada iyo difaaca dalka iyo dadka si sharciga waafaqsan, iyada oo la xaqdhawrayo dastuurka iyo xeerarka waddanka u yaal.

Source Jamhuuriya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests