Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Faisal Cali waraabe oo xisbi ucid looga yaacay

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Faisal Cali waraabe oo xisbi ucid looga yaacay

Postby The_Emperior5 » Mon Sep 26, 2011 8:54 am

Garabkii isbedel-doonka ahaa ee xisbiga UCID oo xilalkoodii iska-casilay, sheegayna inay urur siyaasadeed furanayaan

Isniin, September 26, 2011 (HOL) — Garabkii isbedel doonka ee xisbiga UCID ee uu hoggaaminayey Aadan Mire Waqaf ayaa maanta si rasmi ah u sheegay inay xilkii ay hayeen xisbiga iska-casileen, kaddib markii ay ku heshiin waayeen talada xisbiga guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Xubnaha iscasilay oo ahaa 45 xubnood ayaa ku jiray guddida fulinta, golaha dhexe iyo masuuliyiintii ugu sarreeya xisbiga UCID, waxayna si cad u sheegeen inay ka baxeen, isla markaana ku dhawaaqi doonaan urur siyaasadeed cusub.

Mas'uuliyiinta maanta sheegay inay is-casileen ayaa hore wuxuu khilaaf xoogan oo ku salaysan cida hoggaaminaysa xisbiga UCID uu ka dhexeeyey iyaga Inj. Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga, kuwaasoo u kala jabay laba qaybood, mid walibana dhankiisa ku doodayay inuu yahay hogaanka xisbiga, balse waxaa arrintaasi soo afjartay maxkamada sare ee Somaliland, waxayna u xukuntay guddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe inuu yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee xisbiga. Iyadoo maxkamaddu amartay inuu soo dadajiyo shirweynaha xisbiga, isla markaana si sinaan ah oo cad loogu tartamo cida hoggaamin doonta xisbiga.

Natiijadii maxkamadu soo saartay ayaa labadii garab ee xisbiga isku haystay ku wada qanceen, iyadoo garabkii isbedel doonka ahaa ee uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga UCID, Aadan Mire Waqaf uu maanta si rasmi ah u caddeeyeen inay ka baxeen xisbigaasi, isla markaana xisbi cusub furan doonaan.

Garabkan isbedel doonka ayaa maanta Hotel Safaari ku qabsaday xaflad ay isugu yimaadeen inta badan guddidii fulinta iyo hogaankii sare ee xisbiga, kaasoo ay ku shaaciyeen inay ka baxeen xisbigaas, kuna cadaynayaan furashada urur siyaasadeed cusub oo garabkii isbedel doonku ku dhan yahay.

"Waxaa maanta oo ay bishu tahay 26/09/2011 xilalkii ay hayeen xisbiga UCID iska casilay 45 xubnood oo ka tirsan qormadii kowaad, kuwaasoo ka kooban hogaanka sare ee xisbiga, marka laga reebo guddoomiyaha ku meelgaarka ah Inj. Faysal Cali Waraabe, waxaa iska casilay xubinimadii iyo xilkii fulinta 22 xubnood iyo lixda hogaanka sare oo isku gayn noqonaya 28 xubnood oo fulinta halkan ku magacaaban oo ay liiskoodii iyo saxeexoodii yaalliin," ayuu yiri guddoomiyaha garabka isbedel doonka ah Aadan Waqaf oo intaas ku daray: "Waxaa kaloo iska casilay xilkii iyo xubinnimadii xisbiga xubno ka tirsan golaha dhexe oo iyaguna ka kooban 17 xubnood oo ka tirsan golaha dhexe."

Aadan Waqaf waxa kale oo uu ka hadlay lacagtii uu xisbiga UCID garabkiisa Faysal ku eedeeyey garabka Aadan Wafaq, waxaana lagu eedeeyey in lacag gaadhaysa toddoba kun oo dollar iyo 33 milyan oo shilin Somalilnad ah ay laba Accoun oo xisbigu leeyahay lagala baxay.

Isagoo eeda iska leexinaya Waqaf waxa yidhi " lacagtaasi waxa ay naga soo gashay kabka ay dawladu ku taageerto xisbiga Qaranka, waxaanay ku dhacda baniga dhexe, laantiisa labaad, waxaana loo bedelaa lacagta adag oo lagu shubo xawaalada Mustaqbal, labada lacag ee ay kala sheegayaan waa isku hal lacag kaliya, waxayna isku tahay wadarteedu $7000"

Isagoo sharaxaya waxay ku baxday lacagtaas ayuu yiri: "Waxay ku baxday mushaharka shaqaalaha, kirooyinka xafiisyada, adeegyada xafiisyada, lacagtaas xisaab celinteediina waxa loo gudbiyey cida ay khusaysay."

Xisbiga UCID ayaa si weyn iskugu khilaafay talada xisbiga, waxaanay gaadhay heer ay maxkamad ku kala baxaan, iyadoo maxkamadii u xukuntay Faysal Cali Waraabe, haseyeeshee garabkii kale ayaa cadeeyey inay xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen iska casileen, isla markaana furan doonaan xisbi u gaar ah maadaama oo xisbiga UCID noqday bay yidhaahdeen xisbi uu nin kaliye leeyahay.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Faisal Cali waraabe oo xisbi ucid looga yaacay

Postby The_Emperior5 » Mon Sep 26, 2011 1:44 pm

faisal oo xisbigi inti ugu danbeysey cagta mariye or should i say dhakisa qawaan bu la dhacay :lol:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Faisal Cali waraabe oo xisbi ucid looga yaacay

Postby Mr_Alfaas » Mon Sep 26, 2011 2:05 pm

faisal oo xisbigi inti ugu danbeysey cagta mariye or should i say dhakisa qawaan bu la dhacay :lol:
what make u think laba qof o hinaasay in ay xisbi qaran dumin karaan adeer ucid 45 qof kuma burburaye ee kaarto ayuub ka naga tag :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 31 guests