War Deg-Deg Ah: Alle Ha U Naxariistee Wakiilkii Somaliland Ee Dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur) Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaala Magaaladda Nairobi.
Nairobi (Ramaas) Nov 20,2011 – Alle ha u naxariistee wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya Maxamed Axmed (Indho-buur) ayaa goor ku dhawayd ku geeriyooday cisbitaal ku yaala Magaaladda Nairobi.
Alle ha u naxariistee Marxuum Indho buur ayaa geeriyooday ka dib markii qaliin lagaga sameeyay caloosha oo uu xanuun ka qabay.
Marxuum Indho-buur ayaa muddo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, isaga oo wakilka Somaliland ahaa intii ay tallada dalka hayeen Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxwaynaha wakhtigan Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Alle ha u naxaariistee, Marxuum Indho-buur ayaa ahaa shakhsi reer Somaliland, balse haysta dhalashada dalka Kenya, isaga oo halkaasina ku lahaa ganacsi balaadhan.
Geerida Marxuum Indho-buur ayaa waxa shabakada Ramaas u xaqiijiyey Maxamed Xasan Dirir oo ay ehel ahaayeen Marxuumka.
Warka geerida Marxuum Indho-buur oo dhamaystiran kala soco Rama