Urur siyaasadeed la magac baxay Jamhuuriga oo lagaga dhawaaqay Hargeysa
November 27th, 2011
Hargeysa (Somaliland.Org)-Urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Jamhuuriga ayaa maanta lagaga dhawaaqay xaflad loo sameeyay furitaankiisa oo ka dhacday Huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa.
Waxa furitaankii urur siyaasadeedkan ka qayb galay Siyaasiyiin, Xildhibaano, madax dhaqameedyo iyo dadweyne kale.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ahaa gudidiii uu madaxweynaha Somaliland u xil saaray furitaanka ururada siyaasada ayaa ku amaanay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” go’aankii geesinimada lahaa ee uu ku furay ururada siyaasada taas oo u xusay inay dad badan u sahashay inay ku soo biiraan saaxada Siyaasada.
Garaad Muxumed Aadan Barre oo ka mid ahaa golaha guurtida oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ururkan cusub ee Jamhuurigu uu noqdo mid ka shaqeeya midnimada bulshada Somaliland .
Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururkan Jamhuuriga Cumar Xasan Buux ayaa ka waramay mabaa’diida aasaaska u ah urur siyaasadeedkoodan waxaanu sheegay in Ururka Jamhuurigu ay ka go’an tahay Jiritaanka iyo Madax bannaanida Somaliland isla markaana aanay gorgortan galinayn jiritaanka.