Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mujahid Abdisalaan Turki opens his own party

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Mujahid Abdisalaan Turki opens his own party

Postby The_Emperior5 » Sun Dec 25, 2011 5:22 pm

Siyaasiyiin uu ka Mid yahay Prof C/salaan Yaasiin oo Urur Siyaasadeed cusub maanta ku dhawaaqay iyo Hadaladii Taariikhiga ahaa ee laga jeediyay Xafladii loogu Wanqalay(HALKAN KA DHEGAYSO)
HALKAN KA DHEGAYSO

Hargeysa(Waaheen)-Waxa maanta Magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay Urur Siyaasadeed Magaciisa la yidhaahdo Horyaal oo ay ku bahoobeen dad badan oo isugu jira Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin Magac iyo miisaan culus ku dhex leh Bulshada Reer Somaliland, kuwaasoo uu ka mid yahay Prof C/salaam Yaasiin Gaba-xadi oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Ururkii SNM.
Munaasibad Balaashan oo loogu Wanqalay Ururkan Horyaal ayaa lagu qabtay Hoteelka Ambasador ee Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Aasaasayaasha Ururkan ku dhawaaqay iyo kuwo ka mida Asxaabta kale ee Dalka, boqolaal ka mida taageerayaasha Ururka Horyaal, Madaxdhaqameedyo iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horyaal Dr. Mustafe C/laahi Jaamac oo Munaasibadaasi ugu horayn ka hadlay ayaa ka waramay ujeedooyinka Ururkan loo aasaasay iyo sababihii ku dhaliyay siyaasiyiinta ku dhawaaqay “Ururka Horyaal waxa uu ku yimi baahi u muuqata Aqoonyahanka ka dhex muuqda waxaana mudo laga fikirayay sidii shacbiga reer Somaliland looga saari lahaa dhibaatooyinka dhaqaale xumo iyo horumar la’aanta haysata, ilaa markii dambe laysku raacay in Ururkan la dhiso” ayuu yidhi.
Dr Mustafe waxa kale oo uu yidhi “Ururka Horyaal waxa uu u taaganyahay Somaliland Horumarinteeda waxaanu ku shaqaynayaa Mabda’a ku dhisan qadiyada madax banaanida Somaliland, ilaalinta amniga guud ee dalka guud ee dalka iyo kor u qaadista daryeelka Caruurta iyo Hooyooyinka Reer Somaliland”ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay “Ururka Horyaal waxa uu balan qaadayaa inuu Daryeeli doono Askariga amniga dalka ilaalinaya, waxa uu balan qaadayaa ilaalinayo xuquuqda dadka la hayb soco iyo cidka oo jilicsan”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Horyaal ee maanta lagu dhawaaqay waxa uu balan qaaday “waxaanu balan qaadaynaa inaanu Xukunkayaga aasaas uga dhigayno Diinta islaamka iyo Dhaqankeena, anagoo tix-gelinayna sharciga iyo qawaaniinta sharci ee u yaala qaranka Somaliland”.
“Guddida Diwaan-gelinta Ururadda waxaanu ka rajeynaynaa inay ka turjimaan rabitaanka Umadda oo ay cadaaladda ilaaliyaan, anagoo ku kalsoon inaanay wax cadaalad xumo ahi iman” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Horyaal Dr. Mustafe.
Dhanka kale munaasibadaasi loogu wanqalay Ururka Horyaal waxa ka hadlay Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu cul-culus Xisbiga UDUB, ka mid ah Mushaharixiinta sida weyn ugu loolamaya Hogaanka Xisbiga UDUB ee shanta sabnadood ee inagu soo socda, kaasoo talooyin dhaxal gal ah u soo jeediyay Madaxda Ururka Horyaal, Xukuumadda Somaliland iyo Shacbigaba “ raga Ururkan Hogaaminaya waxaan leeyahay Ururadii waxay noqdeen jaantaa rogan oo farahay ka baxeen, markaa waxaan idin odhan lahaa waar Ururaddan isku batay Ururriya oo waxaad isku daydaan inay ka baxaan shakhsiyaad kooban oo Hogaanka Dalka lagu aamini karaa, waayo hadii ay sidan ku sii socdaan waxmacno ah samayn maayaan” ayuu yidhi Cali Waran cadde.
Cali Waran-cadde mar uu shacbiga Somaliland talooyin u soo jeedinayay waxa uu yidhi“Shacbiga Reer Somaliland waxaan leeyahay Inanku maalinbuu Aabihii Hiil uga Baahanyahay baa la yidhi oo Maalinta uu Hooyadii Guursanayo, Somaliland-na maalinbay shacbiga Hiil uga baahantahay oo maalinta ay xulanayaan cida Hogaaminaysa ee waxaan leeyahay maanta ayay shacbigow guusha iyo horumarka Somaliland gacantiina ku jiraaya u hiliiya oo Xisbiyada ha u raacina sida ay u kala Mac-macaan badanyihiin”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Xukuumadda kula dar-daarmay “Xukuumaddana mid baan leeyahay qoladayadii UDUB dalka meel fiican oo tacab badani ku baxay ayaad soo gaadhsiiseen ayaanu islahayn qoladan cusub ee Kulmiye-na halkaasi ka sii wadi oo horumar bay gaadhsiin ayaanu is-lahayn, laakiinse waxaad inagu bilowdeen shan sanadood oo tar-tan adag ah iyo labaatan Xisbi oo sida looga bixi karaa ay adagtahye, markaa waxaan idinkula talin lahaa bal si wanaagsan oo cadaalad ah Siidhiga ugu haya waxan oo Ururo ah iyo Xisbiyadii hore ee dalka ka jiray, si aanay dhibaato iyo khilaaf u iman” ayuu yidhi Cali Waran-cadde.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir ayaa isaguna munaasibadaasi kaga waramay dareenkiisa ku aadan miisaanka Ururka Horyaal, waxaanu yidhi “Ururkan waxa ku jira saddex dhakhtar oo Shahaado PHD ah sita iyo Aqoonyahano kale oo wada PHD ah, dadka ka dhex muuqda ee kale iyo Hablaha Reer Somaliland Xaflada loogu Wanqalayo ka soo qayb galayna waa hablo hadii ay Ururka ka mid noqdaan Taageerayaal badan bulshada dhexdeeda ku leh, markaa waxaaban aaminsanahay Ururkani cidba uma baahna, waxaanan kula talin lahaa raga ururka hogaaminaya inay ku dedaalaan sidii ay u uruurin lahaayeen Ururadda kale oo dhan, meel kaliyana isugu keeni lahaayeen Ururo badan oo in la uruuriyo u baahan” ayuu yidhi C/raxmaan C/qaadir.
Prof C/salaan Axmed-Yaasiin Gaba-xadi oo ka mid ah Aasaasayaasha Ururkan Horyaal ayaa gabagabadii Xafladaasi ku soo xidhay Tix gabay ah oo uu kaga waramayay Midhaha ka dhashay Himilooyinkii Shacbiga Reer Somaliland ee wakhtigii Halganka oo uu tilmaamay inaan wali lagu guulaysan suulinta Musuqmaasuqii iyo qaybo ka mid ah waxyaabihii Ururkii SNM ka dhidhiiyay markii ay Somaliya xukumaysay Dawladaii uu gadhwadeenka ka ahaa Siyaad Barre, isagoo si toos ah u cadeeyay inaan wax horumar ah oo muuqda la gaadhsiin Dalkii ay u soo halgameen Mujaahidiintii Ururka SNM, kuwo kale oo maati badanina u naf waayeen.
Sidoo kale Prof C/salaan waxa kale oo Gabaygiisa ku sheegay in Ururka Horyaal loo aasaasay si umadda reer Somaliland looga dul-qaado wixii laga dagaamay ee halganka dheer lagaga galay oo uu sheegay inay wali haystaan sida uu ku iftiiminayo maansadii uu madashaasi ka tiriyay oo uu sameeyay 13 sano ka hor “maansadan waxaan sameeyay 13 sanadood ka hor, waxaanay ka dhalatay markii aan arkay wixii Halganka lagaga horyimi oo wali dalka ka jira ilaa maantana wixii way ina haystaan inagaanay tahay inaynu iska Dul-qaadno”ayuu yidhi markii uu Maansadiisa dhamayeeyay C/salaan.
Isagoo intaasi raaciyay “waxaan hadalkayga ku darayaa Ururkan Horyaal waa mid ka duwan Ururadda kale, waxaanu kaga duwanyahay waa Urur Dadkoo dhami wada leeyahay oo inagoo dhan ayaa wada leh ee maaha Urur Qof leeyahay”ayuu yidhi.
Waxa kale Xafladaasi ka hadlay Xubno kale oo ka mid ah Aasaasayaasha Ururka Horyaal, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo marti sharaftii halkaasi lagu soo casuumay, kuwaasoo dhamaantood tilmaamay in Ururkani ka duwan yahay Ururadii dalka lagaga dhawaaqay tan iyo markii Ururadda la furay, kana dhex muuqdaan Ashkhaas badan oo aqoon iyo karti badan lagu dooran karo.

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Mujahid Abdisalaan Turki opens his own party

Postby Rightwing » Sun Dec 25, 2011 5:49 pm

wtf? Beeshii HY waxay ilaa hada marayaan 15 urur :lol: way is dhinac ordayaan. Berina malaha Haragwaafi ayaa urur furan!

User avatar
Methylamine
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6362
Joined: Sat Jan 01, 2011 7:22 pm

Re: Mujahid Abdisalaan Turki opens his own party

Postby Methylamine » Sun Dec 25, 2011 5:50 pm

This is getting out of hand :down:

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Mujahid Abdisalaan Turki opens his own party

Postby Mr_Alfaas » Mon Dec 26, 2011 8:15 am

wtf? Beeshii HY waxay ilaa hada marayaan 15 urur :lol: way is dhinac ordayaan. Berina malaha Haragwaafi ayaa urur furan!
:lol: :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests