Mudane Abdiraxmaan ciiro receives a warm welcome in the capital city of hargeysa
Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Ahna Gudoomiyaha Ururka WADANI Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Hargeysa, Kana Hadlay Ujeedada Safarkii Uu Ku Soo Maray Ingiriiska Iyo Imaaraadka
“S/land waa wadan qudha Xudduudeeduna waa mid, Somaliland shacbigeedda wixii waxa u dhimaya waanu ka soo horjeednaa" Daawo Sawiradda
Hargeysa (GNS) Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland ahna gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa maanta ku soo laabtay dalka, ka dib markii uu safar qaatay muddo ka badan laba todobaad uu ku tagay dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska.
Gudoomiyaha waxa madaarka ku soo dhoweeyay Madaxadda ugu sarsareysa urur Siyaasadeedka WADANI, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madax dhaqmeedyo, Aqoonyahano, iyo Boqolaal qof oo ka mid ah taaageerayaasha ururka WADANI,
Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi ayaa markii uu ka soo dagay diyaaradda, waxa uu warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashadda ee Madaarka, waxana uu ka warbixiyay ujeedda safarka uu ku tagay Dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka, waxana uu hadalkiisa ku bilaabay “Wax faraxad weyn ii ah inaan ku soo noqdo dhulkaygii hooyo, waxaan u mahad naqayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadda, Somaliland ee ugu soo dhoweeyay madaarka Hargeysa, oo ay ka mid yihiin Oday dhaqameedyaddda, salaadiinta, Cuqaasha, iyo Boqoradda, Xildhibaanadda labadda Golle Qaran, madaxdda ururka siyaasiga ah ee WADANI, iyo taageerayaasha ururka WADANI”, waxana uu intaasi ku sii daray “ujeedda safarkaygu waxa uu ahaa laba ujeeddo, ta kowaad waxa ay ahayd inaan kaqayb gallo wanqasha laamaha uu ururka WADANI ka furanayo Dalka UK, ta labaadna waxa ay ahayd inaan wixii hawl qaranku lee yahay u soo qabto”
Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu la kulmay intii uu ku sugnaa dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiskja Madaxdda labadda Dawladood , waxana uu sheegay in ay maddaxdda labadda dawladood ee Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta, waxana uu carabka ku dhuftay in ay ka wadda hadleen qadiyadda iyo hawlaha qaranka Somaliland.
C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro waxa uu sheegay in Qurba jooga reer Somaliland ee ku sugan dalalka UK iyo imaaraadku ay fariin u soo dhiibeen “Jaaliyadda Dibadda ee aan kula kulanay wadamadda Ingiriiska iyo imaaraadku dhamaan waxay ii soo dhiibayeen fariimo kalla duwan, balse fariinta ugu muhiimsan ee ay iisoo dhiibeen waxa ay tahay midnimadda qaranka in aad loo adkeeyo, haddii aanu WADANI nahay waxa aanu lee nahay jaaliayadda dibaddooy waanu qaadanay” Ayuu yidhi Gudoomiuyaha ururka WADANI.
Gudoomiye Cirro oo la weydiiyay in muran ka taagan yahay xilka uu ka hayo ururka WADANI ee ah Gudoomiyaha ururka, iyo Xilka uu hayo ee ah Gooddoomiyaha Goloha Wakiiladda, ayaa waxa uu ku jawaabay “Muran ka taagani ma jirro”.
Gudoomaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi waxa uu dhanka kalle ka hadlay shirka ka socdda Tuuladda Talleex ee khaatumo 2, waxana uu sheegay in uu soo dhoweenayo in shacbigu ay wadda hadlaan, waxana uu intaasi ku daray in laga feejignaaddo waxa shacbiga iyo dalka wax u dhimaya, isaga oo tilmaamay in ay ka soo hor jeeddaan cid kasta oo isku daydda in ay wax u dhinto qadiyadda somaliloand “S/land waa wadan qudha Xudduudeeduna waa mid, Somaliland shacbigeedda wixii waxa u dhimaya waanu ka soo horjeednaa” ayuu yidhi C/Raxmaan Cirro