Wasiirka shaqadda oo iclaamiyay laba maalmood oo fasax qaran ah
May 17th, 2012
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada Mud,Maxamud Axmed Barre-Garaad-,ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku sheegay,in Maal-maha Sabtida iyo Axadda ee 19-Ka iyo 20-Ka bishan May ay shaqaaluhu fasax ka noqon doonaan shaqooyinkooda xuska munaasibadda 18-Ka May awgeed.
Wasiirku wuxuu qoraalkiisu waxa uu ku sheegay in sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka ah haddii mid ama dhowr fasax qaran isku beeg-maan ay shaqaaluhu xaq u leeyihiin inay maal-maha xiga helaan fasaxoodii.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada, waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u diray munaasibadda 18-Ka may awgeed, shaqaala-weynaha Jamhuuriyada somaaliland, isagoo u rajeeyey inay sanadkan kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo Barwaaqo.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawladda Md. Nuux sh.Muuse Ducaale,ayaa isna qoraal uu soo saaray Waxa uu ku sheegay in shaqaalaha Dawladdu ay fasax ka yihiin shaqada maal-maha Sabtida iyo Axadda ee 19 Iyo 20 Bishan May,Iyada oo xuska 18/May uu ku began yahay maalin Jimcaha ah awgeed.
Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawladdu waxa uu hambalyo u diray munaasibadan awgeed dhammaan shaqaalaha dawlada iyo xaasaskooda.isaga oo u rajeeyey xuskan kiisa kaleku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo iyo caafimaad qab