Asc
Waa post gaygii iigu horeryey markaa fikrad aan hayaa ee bal ila eega.
Dawladdu waa inay samayso MAALINTA SHACABKA SL taas oo ah in qof,qabiil,ajinabi(by blood but born in SL),midgaan,carab, oromo kasta ay siman yihiin maalintaas oo ay soo bandhigaan ciyaarahooda, hidda iyo dhaqankooda, cuntadooda, dharkooda, gabayadooda iwm. Si ay shacabku u bartaan dhaqamada kala duwan ee shacabka waddanku leeyihiin. Taasi waxay u muujinaysa shacabkaas inay xagga dawlada isaga siman yihiin. Qabiil hebel walaa qabiil hebel xabashi walaa midgaan carab walaa soomaali in ay hal dawlad hoos yimaadaan.
Maalintaas waa inay noqoto summerka/xagaaga gudihiisa sababtoo ah dadku waa wada fasax kuwii maqnaana wey soo noqdeen oo iyaga faa'iido ayey u noqonaysaa.