Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland Warn Shariif

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Nacaas77
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 555
Joined: Mon Jul 07, 2008 10:56 am

Puntland Warn Shariif

Postby Nacaas77 » Thu Feb 12, 2009 10:53 am

Maamulka Puntland oo u hanjabay Madaxweyne Shariif hadii aan la siin Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Warkii 11-Feb-2009 iyo Qormadii: News.
Madaxweynaha Puntland Faroole iyo isimada beesha Majeerteen ayaa khadka taleefoonka kula xidhiidhay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shariif Axmed,iyadoo wakhtigaas ay la fadhiyaan xubnaha baarlamaanka uga jira beeshaas oo ay horkacayaan xildhibaan Xassan Abshir iyo xildhibaan Ciro,waxaana dood kulul kadib ay siiyeen digniin kama danbays ah madaxweynaha cusub,iyagoo uga digay hadii aan xilkaas la siin aanay la shaqayn doonin dawlada Shariif.


Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareed ku dhow madaxweynaha cusub ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland oo khadka taleefoonka ku jirey uu si cad u sheegay in maamulkiisu aanay la shaqayn doonin hadaan beesha la siin jagadaas shakhsi ka soo jeeda Puntland,khaas ahaan beesha Majeerteen.

Ilo wareedyadaas ayaa noo sheegay in madaxweynaha Puntland uu si cad u carabaabay labada xubnood ee Cali Khaliif Galaydh iyo Maslax Maxamed Siyaad oo ahaa labadii xubnod ee beesha Daarood ugu taageeradaa badnaa wakhtigii doorashadu socotay,isagoo Faroole sheegay inaanay labdadaas nin aqbali doonin hadii mid ka mid ah magacaabo,isagoo sheegay inay labadaasi danbiyo ka galeen Puntland oo aanay la shaqayn doonin,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Faroole ayaa sidoo kale ku hanjabay inayba Soomaaliya ka go'ayaan oo dawlad madax banaan ku dhawaaqi doonaan hadaan la fulin waxay tabanayaan,oo ah in la siiyo jagada ra'iisul wasaaraha.

Madaxweyne Shariif ayaa waxa fuulay cadaadis aan xad lahayn,taasoo ay ku adkaatay inuu ku dhawaaqo ra;iisul wasaare,iasagoo weli wada wadatashiyo beelaha dhexdooda ah.

Dhanka kale waxaa cadaadis kaa la mid ah Shariif kaga yimid dhinaca dawlada Itoobiya oo rabta in loo magacaabo ninka lagu magacaabo Ciro oo ahaa gacanyarihii C/llaahi Yuusuf,kaasoo sida la sheegay haysta taageerada dawlada Itoobiya.

Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf,kii Puntland Cadde Muuse,iyo ka hada haya talada Puntland ayaa ka soo jeeda isku beel,meesha ay hadana doonayaan inay qabtaan jagada Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,taasoo beelaha kale ee la dega Puntland ay raali uga yihiin inay iyagu qabtaan jagooyinka sare,sidaana raali ku yihiin.(Halkudhiga beelaha kale ee Puntland:Ilaahow walaalkay wax sii,waxay helaan wax ha iga siiyaane).

Dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa kulamo saacad saacad ah la yeeshay afarta beelood ee Soomaaliyeed,iyadoo beesha Daarood ay isku mar diideen inay la kulmaan Shariifka,oo beesha Majeerteen si khaas ula kulmeen,meesha Daaroodka intiisa kale isku mar la kulmeen Shariifka,iyagoo u gudbiyey cida ay la rabaan Ra'iisul wasaaraha,iyadoo sida nala sheegay gudbiyey Maslax iyo Galaydh,si uu u kala doorto.

Dhanka kale beelaha dirta ayaa iyaguna ku hanjabay inaanay la shaqayn doonin Shariifka hadaan xilkaas iyaga markan la siin.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests