Source:http://www.dayniile.com/Juli/1Juli48.htm
Shirkada Tawalka Almunium ee Magaalada Bosaaso oo Soo Bandhigtay Adeegeeda.[Sawiro]
Waxa Saaka Aroortii Bahda Saxaafada isugu Yeedhay Madaxa ugu sareeya ee Shirkada Tawalka Alminum, Egn Khaliif Ismaaciil isaga oo taasi u Macneeyay inay Dad waynahay Tusayaan Adeega Shirkadu u Hayso, Maareeyaha ayaa Kooxaha wararka Raadiya ee Goobtaasi uu ku casumay dhamaan Qolalka Shirkada ku soo wareejiyay isaga oo mid mid u Tusay qabalkii Halkaasi Yaalay.
Maareeyaha ayaa sheegay in SHirkada Tawalka ay soo saarto qalab aad u fara badan oo ay ka mid yihiin, Sareeraha, Qurxoon ee Hurdada, Kuraasta Guryaha iyo Qalabka Xafiisyada oo dhan, Armaajooyinka iyo Foorashada Noocayadooda kala gadisan.
Eng Khaliif Ismaaciil ayaa Xusay in Shirkada Tawalka Alminiam dhidibada loo Taagay Sanadkii 2006- Horaantiisii ilaa iyo wakhtigaan ay soo saaraysa qalab aad u Qurxoon oo dhamaan Gobolada Dalka Laga Dalbado.
Maareeyaha ayaa Farta ku Guday in Shirkadu ay La Mataanaysantahay kuwa Caalamka ee Adeegyada Noocan oo kale ah oo soo saara isla markaana Hadba Wax Caalamka Markaasi ku Cusub ay la Jaan qadaan iyaga oo eegayaa Baahida Bulshada"Ayuu Yiri Eng Khaliif Ismaaciil.
Shirkada Tawalka Waxay si Toos ah u soo saartaa. Samaynta Daaqadaha, Muraayadaha Albaabad, Muraayadaha Farmashiyaasha, Aqalada Almunika ah iibinta Fadhiyada"Ayuu Cadeeyay Maareeyihu isaga oo War fidiyeenada la Hadlayay.
Jaamac Feyt Bosaaso- Feyte37@hotmail.com Dayniile.com
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com
Doing pretty well for himself and for the people.