Source:http://dunidaonline.com/index.php?id=1142
Garowe
Dawlada hoose ee Garowe oo bilowdey qorshe lagu hagaajinayo Wadooyinka Xaafadaha
Waxaa manta ka bilowdey Magaalada garowe Qorshe cusub oo dib loogu dayactirayo wadooyinka dhex mara xaafadaha ee jid cadyaasha ah kuwaasoo laga dhigayo jey si ay u sahlanato in baabuurtu si dagem u maraan.
Qorshahan ayaa kharashka ku baxaya ay bixineysaa Dawlada hoose ee magaalada Garoowe sida uu u sheegey dunidaonline Duqa degmada C/qaadir Cusmaan samatar (Foodcade), waxaana u sheegey in hada ay ka bilaabeen jidka Guureeye ilaa kan 30 ka oo ay shirkada kesh qandaraas ku siiyeen, iyadoo ay dhamaan gaadhsiin doonaan magaalda inteeda kale.
Lixdii bilood ee Sanadkan wax qabadkii Dawlada hoose :-
Lixdan bilood ee sanadkan dawlada hoose ee garoowe waxey ku talaabsatey qorshayaal ay wax kagaga qabanaayaan Bilicda magaalada ,iyadoo bishii labaad ay qaadeen olole lagu bur burinayo sandaqadha iyo buushashka laga dhisey wadooyinka iyo arimo kale oo la xidhiidha dhanka amaanka iyo nadaafada.
Arigtida Dadka:-
Dadka ku dhaqan Magaalada garoowe ayaa badi soo dhaweeyey hawshaasi ,balse waxay farta ku fiiqeen in aan dhameystir lagu sameyn hawshaasi iyo in aan wax qorshe ah loo diyarin dadka laga bur buriyey goobahii ay ku ganacsan jireen dadka danyarta u badan.
Not Bad schedule. Twice a Year clean-up on garowe roads.