Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland Qardho Ulama Holding Khutbah At Mosque. Pics

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
usman-84
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 334
Joined: Wed Jul 15, 2009 12:46 am

Puntland Qardho Ulama Holding Khutbah At Mosque. Pics

Postby usman-84 » Sun Jul 19, 2009 7:28 am


Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Nadwada ka socoto Masjirk Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar Kaar ayaa gashay habeenkii Sadexaad oo xidhiidh ah waxaana caawa darsiga soo jeediyay Sheekh Daahir Aw cabdi oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” xaaraantinimada dilka nafta oo xaq daro lagu dilo “

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sidii uu dilku ku soo bilowday iyo maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dilku ilaa iyo intii uu soo socday iyo wixii dhibaatooyin ka dhashay kuwo Aduun iyo kuwo Aakhriba, Sheekh Daahir waxa uu xusay in qofkii ugu horeeyay uu naf gooya “Naf Dila ” uu ahaa Qaabiil Bin Aadam oo ahaa wiil uu dhalay Nabi Aadam CS , waxa uu intaa kadib Sheekh Daahir tilmaamay in qofkii dilka bilabay uu ilaa maanta wax ku leeyahay dilka maanta dhacaya ama kuwii soo dhacay , wuxuna intaa raaciyay in ay Ilaahay SW uu kitaabkiisa ugu hadlay meelo badan cuqubada uu leeyahay qofkii dila Naf aan dambe lahayn.

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu intaas kadib ka hadlay siyaabihii ay isku leyn jireen dadku casrul jaahiligii , dagaaladii dhex mari jirayna ay salka ku hayeen awooda sidii loola kala wareegi lahaa ama loo kala xoog badan lahaa , wuxuuna Sheekh Daahir Aw Cabdi xusay in dagaaladii Casrul jaahiligii ay soo mareen Maraxalado kala duwan dagaaladaasina ay ka tageen raadad aad u xun xun.

Sheekh Daahir waxa uu ka hadlay Dagaalkii dhex maray qabaa’ilkii Ansaarta ee Ows iyo Khasraj xiligii jaahiliga ” ka hor intii uusan Nabigu SCW soo bixin” wuxuuna Sheekh daahir tibaaxay in dagaalkaas sababtiisu ay lahayaeen labo Faras oo la tartan siiyay kalana ma talayay labada Qabiil ee Ows iyo Khasraj, waxa uu Sheekh Daahir sheegay in uu dagaalkaas keenay in dad badan oo labada dhinac ah ay ku dhintaan sababtaas iyagoon garaneyn waxa ay ku dhimayaan.

Sheekh Daahir waxa uu intaa kadib u soo galay Shareecada Islaamku u hor joogsatay Dagaaladii Casrul Jaahiligii , Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu intaa sii raaciyay in Shareecada Islaamku ay bayaamisay waxa ka dhalanaya dilista naf aan galabsan wax dambe ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Axaadiiska Nabiga SCW ka sugnaatayba ay cadeynayaan cuqubada ka dhalaneysa dilista Naf aan wax galabsan.

Sheekh Daahir waxa uu xusay in shanta qeybood ee Maqaasidda Shareecadu ay ka mid tahay Nafka oo aan la goyn hadii aysan wax dami ah , sidoo kale waxa uu Sheekh Daahir uu xusay in mudooyinkan dambe lagu dhiiraday goynta nafta iyada oo aan loo eegayn dambiga ay gashay iyo waxa ka dhalanaya dilisteeda ee cuqubo ah .

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu tibaaxay in Diimihii hore lagu xarimay goynta nafta Ilahayna uu arintaas ugu hadlay Kitaabka Munsalka ah.

Sheekh Daahir waxa uu intaa kadib uu u galay waxyaabaha ka dhalanaya dilista Naf aan wax galabsan wuxuuna dhibaatooyinka ka dhalanaya ka tilmamaay in qofka dilaa naf aan wax galabsan uu ka xusay in uu Naarta Jahamo Galayo , Ilaahayna uu cadhoonayo uuna lacnadayo uuna u diyaarinayo Cadaab daran.

Sheekh Daahir waxa uu wax ka tilmamay mararka nafta la goynayo kuwaas oo uu ka xusay in ay ka mid tahay:- qofka Diintiisa Badala , Ninka guursaday ee Sineysta , Naftii naf disha , Sheekh Daahir waxa uu intaa sii raaciyay in Qofka wax dilay ay dusha ka saaran yihiin sadex Xaq oo kala ah :- kan Ilaahay , kan Qofka uu dilay iyo kan waliga qofka uu dilay , wuxuuna Sheekh Daahir tibaaxay in Dilku uu yahay waxyaabaha ugu waa weyn Dunuubta la galo.

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu Sheegay in qofka Muslimka ah hadii uu dilo Gaal aan qofka Muslimka ah la qisaasayn sida Nabiga SCW ka sugnaatay , balse hadii Gaal uu dilo Muslim gaalka loo qisaasayo muslimka uu dilay , sidoo kale waxa uu Sheekh Daahir uu tilmaamay gaalada Balanka lagula jiro aysan fiicneyn in la dilo hadii ay dhacdo in la dilana la bixinayo diyadiisa

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu ugu dambeyntii darsiga ku soo gaba gabeeyay dhowr Xadiis oo uu sheegay in ay si gaar ah ugu hadlaya dilka iyo waxa ka dhalanay wuxuuna Sheekh Daahir Aw cabdi tibaaxay in Axaadiista uu soo xulay uu ugu tala galay Bulshada Soomaaliyeed sidii ay ugu fiirsan lahaayeen dilalka ay caadaystaan

intaa kadib waxaa la galay Su’aalaha fatawada waxaana qeybta hore ay la xidhiidheen darsigii xalay uu jeediyay Sheekh Cali C/laahi ” Cali Towxiid” waxaana qeybta labaad loogu tala galay su’aalaha ka baxsan dasiga waxaana si gaar ah su’aalo kala duwan oo ay soo qoreen dadka Nadwda la socda ka jawaabay Sheekh Xasan Muuse “Xasan Bookh ” waxayna u badnayeen su’aalaha Sheekha uu jawaabay u badnaayeen dhanka Fiqiga.
Source:http://www.qardho.net/news.php?readmore=187

When we have ulama like this they serve a good purpose. And i hope they continue like this. The problem is when they start carrying Ak47. :mrgreen:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests