Page 1 of 1

Neighboring countries taking advantage of

Posted: Sun Sep 13, 2009 10:44 am
by sheekh-Farax-zero
the ignorance of Somali Leaders,,,

Melbourne: " Dalalka jaarka la ah dalka Soomaaliya waxa ay ka faa'iidaysanayaan Aqoon la'aanta Madaxda dawladda Faderaalka iyo Tabar la'aanta Dawladda Soomaaliya" Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee dalka Australia.

Melbourne(AllPuntland)- Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee dalka Australia C/rixmaan Jaamac Cismaan oo la soo xariiray APL ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey talaabadii uu qaaday Wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dawladda Soomaaliya C/rixmaan Ibi, oo ahaa heshiiskii uu la galay dawladda Jabuuti, kaasoo ka hor imaanayay heshiiskii ay galeen Puntland iyo dawladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa ku sheegay Ibi in uu yahay nin aqoon yari ay ugeystay arrintaasi, isla markaasna doonaya ay ku adeeganayaan dad kale oo Siyaasada gadaal kaga jira, isagoo ugu baaqay dawladda Soomaaliya-na in ay ka laabato heshiiskaasi oo uu sheegay in uu yahay mid ukeenaya taageero la'aan baahsan oo ay kala kulanto Bulshada Puntland.

Mr. C/rixmaan wuxuu sheegay in heshiiskaasi saxiixidiisa ay wax ka og yihiin qaar ka mid ah Madaxda ugu sareysa dawladda Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo booqashadiisa uu ka soo dhex baxay heshiiskan, sida lasheegay oo uu xaqiijiyey Wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya.

" Aqoon la'aanta dalka iyo Wadaniyad xumida dadka ku jira dawladda Soomaaliya ayaa keenaysa in maalin walba uu nin sheeganaya masuul Soomaaliyeed uu saxiixo heshiis qaldan, oo ka hor imaanaya danaha Umada Soomaaliyeed, taasina waa wax laga xumaado" Ayuu yiri C/rixmaan Jaamac Cismaan.

Gudoomiyuhu wuxuu cadeeyey in ay Jaaliyadiisu aad uga xun tahay talaabadaasi, isla markaasna ugu baaqeyso Madaxda dalwadda Soomaaliya, gaar ahaana Raysalwasaaraha Cumar C/rishiid in uu muujiyo mowqifkiisa ku aadan heshiiskaas, oo ka hor imaanaya midkii uu lasoo saxiixday dawladda Puntland dhawaan.

Mar ay AllPuntland weydiisay C/rixmaan waxa uu ku sifeyn karo galida heshiisyadan, wuxuu cadeeyey in aysan aheyn wax maskaxdooda ka yimid, balse ay tahay talaabooyin ay soo agaasintaan dalalka lala-galayo heshiisyadan, sida kii lala galay Kenya oo kale.

" Dalalka Jaarka la ah Soomaaliya waxa ay doonayaan in ay ka faa'iidaystaan Kheyraadka Soomaaliya, tabar la'aanta DF waxaa ka daran aqoon la'aanta heysata dadka loo dhiibayo jagooyinka ugu sareeya dalka Soomaaliya, aad ayaan uga xunahay heshiisyadii ay gashay dawladda Soomaaliya oo dhan" Ayuu yiri Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalka Australia.