Maamulka Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyey masuuliyiin ka soo jeeda degaanada ssc.
Written by Jidbaale
Monday, 05 October 2009 00:05
Garoowe(Jidbaale):-Waxaa mudadii uu xilka hayay Madaxweynenimo maamulka Goboleedka Puntland C/raxmaan
faroole xilka laga qaaday madax badan oo reer ssc ah oo masuuliyiin ka ahaa hay'addo madax banaan oo sare.
Ilo xogxogaal ahi ayaa waxay sheegeen in uu u sheegay madaxweyne
xigeenka puntland C/samad Cali Shire in aan lagala tashan markii xilka laga xayuubiyey masuuliyiintan.
Madaxdan xilka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin, Madaxa sare ee hay'adda Aids Commission .Pag Mudane Maxamed Qoryoolay, waxaana lagu badalay xubin ka soo jeeda Gobolka bari Degmada Ufayn Dr.Dhagaweyne.
Mudane Mataan Dhidar oo ahaa Gudoomiyaha hanti dhawrka puntland ayaa waxaa lagu badalay Xubin ka soo jeeda Gobolka Mudug oo lagu magacaabo Jaamac Goobe.
Dhinaca kale waxaa la hadal hayaa in la badalo xubno badan oo agaasimayaal wasaaradeed ah & Agaasimayaal madaxbanaan, waxaana
mudooyinkan danbe ka socday xukuumada C/raxmaan faroole qorshe lagu xakamaynayo dhamaan xubnaha ka soo jeeda degaanka SSC hay'addaha madaxa banaan ee ka hawl gala maamul goboleedka puntland,Iyadoo lagu koobayo xilallakan xubno ka soo jeeda Mudug, bari & Nugaal.
Jidbaale.com@gmail.com