Postby The Magnificent » Tue Oct 20, 2009 1:50 pm
Shacabka gobolada waqooyiga soomaaliya ayaa aad ugu qul qulaya magaalada garoowe oo ugu dhaw halka laga helayo Baasaboorka ama sharciga lagu dhoofo.
Dadka jecel gooni isu taaga ee gobolada Waqooyiga soomaaliya oo sharciga lagu dhoofo ama lagu safro ee baasaboorka u doonta magaalo madaxda puntland ee garoowe iyo sida ay siyaasiyiinta maamulka riyaale iyaga laftigoodu safaro dhaadheer ugu galaan baasaboorka oo aan waraysi yar kala yeeshay WARDA AHMED oo joogta hargeysa.
Hadaba warda ahmed oo aan ka waraysay arintan iyadoo joogta magaalada hargeysa una doonatay garoowe Baasaboorka ayaa ii sheegtay in baasaboorkii danbe loo yaqaano baasaboorka cabdilaahi yuusuf.
SUXUFI:maxay tahay sababta loogu bixiyey cabdilaahi yuusuf baasaboorka ka dhaxeeya umadda soomaaliyeed?baasa boorkii horese ma la odhan jiray kii siyaad barre?
WARDA:kolay dadka ayaa ugu yeedha waxaanse umalaynayaa inay xilligii uu haystay muqdisho,la sameeyey.kii hore waxaa loo yaqaanaa baasaboorkii hore.Dadka qaar ayaa ugu yeedha baasaboorkii faqashta.
SUXUFI:marka ay siyaasiyiintu maamulkiinu dhoofayaan maxay ku baxaan?
WARDA:qofkii aan lahayn baasaboorada shisheeye wuu ku qasban yahay inuu doonto kan cabdilaahi yuusuf,haduusan garoowe u doonana meelo kale ayuu u doontaa?
SUXUFIi:wax ma iiga sheegi kartaa meelaha ay ka qaataan siyaasiyiinta hargeysa baasaboorka aad u taqaanid cabdillaahi yuusuf?
WARDA: haa waan kaaga sheegi karaa.waxaan hubaa inay inta badan u doontaan Addis ababa.inkastoo la sheego inay baasaboor kaligood leeyihiin somaliland ah laakiin arintaasi mahubo dadka oo dhan kan uunbay doontaan.
SUXUFI.Adigu hadda maka soo qaadatay Garoowe?imisase ayay kugu qaadatay qaadashada baasabooka?waa imisa dhaqaalaha aad ku bixisay baasaboorka?
Warda :maya wali ma soo qaadan.marka hore sawir ayaa lagaa qaadayaa,iyo $100,markaas ka dib bil dabadeed ayaad u noqonaysaa.
SUXUFI:dhalashada xaggee ayaad sheegatay inaad ku dhalatay warda? mahargeysa?
WARDA:maya hargeysa lama sheegto waxaa la sheegtaa dee laas caanood iyo buuhoodle.
SUXUFI:hadii aad sheegatid hargeysa maxaa dhacaya?cid hargeysa sheegatay oo loo diiday miyaad aragtay?
WARDA:mahubo laakiin waxaa nalagu yidhi waa loo diidayaa haduu qofku hargeysa sheegto laakiin anigu ma arag,waase nala ogyahay inaanan u dhalan laas caanood oo in dadka reer waqooyiga oo dhan ay sheegtaan laascaanood iyo buuhoodle waa la ogyahay waana nala siiyaa.
SUXUFI.wax dhibaato ah miyaa lagu sameeyaa hadii qofka loo garto inuu ka yimaado hargeysa ama burco markuu baasaboorka u doonanayo Garoowe?ama inta ay joogaan garoowe dadka dhulkaas ka yimaada
WARDA: mayee wali ma arag
SUXUFI:maxaad dareen tay markii aad joogtay garoowe?mawaxaad dareentay inaad joogtay dal shisheeye mise dalkaagii hooyo?maxaadse ka aamin santahay dadka reer puntland ama soomaalida aad ugu tagtay garoowe ilaa laascaanood?
Warda:aad ayaan u xiisaynayey waxayna ahayd markii iigu horreysay ee aan tago laas caanood,Garoowe.waxyar oo dhibaato ahna kalama kulmin.waxaan dareemayey inaan joogo magaalo ka mid ah magaalooyinka caadiga ah ee gobolada waqooyiga,reer puntland wax duwanaansho ah oo ay kaga duwan yihiin ma arag reer hargeysa.
sidee u arki lahayd sharciga aad u doonanaysid Garoowe?hadiise laguu keeno hargeysa,soow kuuma fududaateen?
Warda:dad badan waxay ugu safraan addis ababa iyo garowe waxaana jira xitaa dad aan dhaqaaluhu u saamaxayn waxaan jeclaystay haddii layga yeelayo in hargeysa la keeno ama burco.
taasi waxay ahayd waraysi kooban oo aan la yeeshay warda ahmed oo joogta hargeysa.
qofka ka dhoofaya gobolada waqooyi wuxuu ku khasban yahay inuu tago garoowe,si uu u helo ama u soo qaato sharciga baasaboorka hadii uu damco inuu meel u dhoofo.