Taxanihii ahaa rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi ayaa wali inoo socda. Maanta waxaynu soo qaadanaynaa geeraar uu tiriyey geeraarshe Mudug iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya caan ka ahaa oo la odhan jiray Gooni Cabdi Xaaji. Waa geeraar faan ah oo uu tolkii kaga soocayo Soomaali inteeda kale. Wuxuu ka soo billaabay Daarood, wuxuu soo maray Kablalax, wuxuu u gudbay Harti, wuxuu soo gaadhay Cismaan Maxamuud. Anigoo halkaa kasoo jeeda wax Alla wixii aan doono inaan sameeyo sow ma awoodo, ayuu ku jaray. Wuxuu yidhi:
Illaahii dad dhammaantii
Intuu dhoobo ka uumay
Dhulka waalid ka yeelow
Dhabarkii Nebi Aadan
Illaahii naga dheegayow
Noo dhammeeyey garaadkow
Illaahii dhaladkaygana
Daarood iiga dhex beereen
Igu dheehin ninnow
Dhoomihii Kablalax
Illaahii dhadhankkoodiyo
Dhuuxoodii iga yeelow
Haddaan sii dhalandhoolo
Abtirsiinyaha dheelmo
Harti bay u dhacdaaye
Illaahaan dhibic ceeb ah
Meelna iiga dhoweynow
Guni waa dhaddigoodoo
Waxba dhaawici maysoo
Sida dhaydiyo xoortaa
Layska soo dhamayaaye
Illaahii dheegga Cismaan iyo
Dhagax aan la marayn iyo
Dhadhaabtaa iga yeelow
Haddaan dhiidhiyo maantoo
Dhirfo oo aan wax laayo
Intaan dhoobta suldaankiyo
Dhalin Reer Maxamuud iyo
Ilma Yuusuf dhex joogo
Dhafoor wiil aan ka toogtay
Dhurwaagoo cuna mooyee
Mindhaa geel kama dhiibo
Waxaan ka qoray buuggii Ina Cabdille Xasan ee uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid, 1984kii
Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub
Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry. All rights reserved.