(Hadhwanaagnews) Monday, April 12, 2010
Waxaa taariikhdu markay ahayd 25/02/2010 – 10/03/2010 isugu yimid shir golaha hantiilayaasha Shirkadda Xawaaladda ee Tawakal Express. Shirkaan oo ka dhacay xarunta shirkadda ee magaalada Dubai, waxaa lagu doortay Golaha Fulinta (Executive Team) iyo Guddiga Golaha Hantiilayaasha (Board of Directors).
Shirkadda Xawaaladda Tawakal oo ka duuleysa aragti cusub oo ku saleysan baahida dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha shirkadda iyo raalligelinta macaamiisheeda waxay dooratay Golayaasha Fulinta iyo Hantiilayaasha oo ah dad aqoon iyo karti ku filan u leh masuuliyadda shirkadda ee waqtigaan. Waxay shirkaddu ku tillaabsatay horumar la taaban karo intii shirkadda ay la wareegeen Hantiilayaasha cusub iyo maamulka cusub bilowgii sannadka 2009.
Madaxa Golaha Fulinta (CEO) ee Tawakal Express waxaa mar labaad loo doortay:
Mudane Garad Khalif Nor oo hore u ahaan jiray madaxa Shirkadda ee USA. Mudane Garad waxuu khibrad iyo waayo aragnimo maamul oo sare ka soo kasbaday shantii sano ee uu maamulaha ka ahaa qaybta shirkadda ee USA. Waxaa u suurtogashay in uu shirkadda ku ballaariyo 20 Gobol (states) ka mid ah gobollada wadanka USA oo intooda baddan leh sharciyo aad u adag, aadna qaali u ah.
Shirkaan waxaa lagu go’aamiyey in Shirkadda Tawakal dhisato Bangiyo (Tawakal Bank) gaar ahaan dalka gudihiisa. Bangiga iyo Hotelka ugu horeeyana waxaa laga dhisayaa magaalada Bosaso, ka soo horjeedka Hotel Emirates, dhanka waqooyi ee masjidka weyn ee Rowda.
Kor ka eeg muuqaalka bangiyada Tawakal.
XAWAALADDA TAWAKAL EXPRESS. WAR MURTIYEED – PRESS RELEASE.

Waxay Shirkadda Xawaaladda Tawakal Express ogeysiiskaan la qaybsaneysaa dhammaan dadweynaha iyo macaamiisha sharafta leh ee sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu xiran Tawakal Express
Waxii faahfaahin ah iyo ciddii dooneysa in ay wareysato madaxda Tawakal Express waxay kala soo xiriiri kartaa: Madaxa Suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha:
Tel:9714-2284913 (8 lines), Email:
dartawak@emirates.net.ae