Shirkaan oo lagu soo afmeeray wajiga labaad ee heshiis ay wada gaareen beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Bosaaso.
Waxaana shirkaasi goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Dawladda Puntland,hogaamiye dhaqameed ka kala socday labada beelood,nabadoono,ganacsato,guddiga dhexdhexaadinta,Culimaa’udiin,haween iyo dadweyne kale.
Saraakiisha ka socotay Dawladda Puntland ee kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa;
-Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire
-Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr
-Wasiirka dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raage
Gen.Cali Ismaacil oo kamid ahaa guddiga nabadaynta labada beelood oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in heshiiska labada beelood ee ay u kala dab qaadayeen ay u kala saareen afar marxaladood oo kala ah;
1.Heshiis ay wada gaareen labada beelood
2.Kala qaadashada jifi,duug iyo samirsiin
3.Wacyigelin lagu sameeyo dadweynaha degan goobaha ay wax ka dhaceen
4.Kala qaadashada magta oo ah marxalada ugu dambeysa
Cali Ismaacil ayaa sheegay in 08.10.2010 ay soo bandhigeen heshiis ay gaareen labada beelood,waxaana uu xusay in wejiga labaad ee maanta ay labada beelood ay ku kala qaateen jifi,duug iyo samirsiin.
Wuxuu intaas ku daray in labada weji ee kale ay dhowaan si rasmi ah ay ugu kuurgali doonaan,waxaa sidoo kale uu hoosta ka xariiqay in 31.03.2010 ay labada beelood ay kala qaadan doonaan magta oo ah marxalada ugu dambeysa ee heshiiska labada beelood.
Beesha Cali Saleebaan lacagta ay bixiyeen
Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax oo wakiil ka ahaa beesha Cali Jibraahiil ayaa ka guddoomay lacag gaaraysa $250,466,58 Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi oo wakiil ka ahaa Beesha Cali Saleebaan uu guddoonsiiyay.
Beesha Cali Jibraahiil lacagta ay bixiyeen
Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdullaahi ayaa sidoo kale ka guddoomay lacag gaaraysa $105,966,63 Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax.
labada Isim oo ka hadlay madashaasi ayaa si wada jira u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wajiga labaad ee heshiiska ay gaareen labada beelood,isla markaasina loo baahan yahay in siwada jira looga shaqeeyo nabada.
Waxaa xusid mudan in Beesha Cali Saleebaan ay beesha Idigfacle guddoonsiiyeen lacag gaaraysa $38,533,32 maadaama 4-ruux ay si khalad ah ugu geeriyoodeen labada beelood dhexdooda,xilligii ay colaadu ka dhex aloosnayd.
Dawladda Puntland
Wasiirka amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr oo ka mid ahaa masuuliyiintii madashaasi ka hadashay ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay soo dhowaynayso heshiiska labada beelood,waxaana uu ku tilmaamay colaada laba beelood horay uga dhex aloosnayd mid shaydaan uu dabada ka riixayay.
Wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in hubanti laga dhigo dardar galinta ka shaqaynta amaanka gobolada Puntland.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo soo xiray shirkaasi ayaa mahadcelin balaaran u soo jeediyay isimada labada beelood,guddiga dhexdhexaadinta,ganacsatada,aqoonyahanka iyo cidkasta oo ka shaqaysay nabadaynta labada beelood.
Wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole oo hawlo shaqo ugu maqan dalka dibadiisa uu bogaadin,boorin iyo hambalyo uga wado isimada labada beelood iyo waxgaradka ka shaqeeyay nabadaynta labada beelood.
Mar uu ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan heshiiskaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska labada beelood,isagoo xusay in loo baahan yahay in tusaale wanaagsan uu heshiiskaasi u noqdo beelaha Puntland ee waqtigan colaadu ka dhex aloosan tahay.
Si kastaba labadaan beelood oo dhexmartay colaad soo noqnoqtay ayaa bilihi lasoo dhaafay laga dhex waday wada hadalo lagu heshisinaayo.
C/qani C/laahi Cabdi
Horseed Media