Maamulka degmada Iskushuban ee ka tirsan gobolka Bari ayaa cabasho xoogan ka muujiyey abaaro ka taagan halkaas oo saameyn ku yeeshay dadka kunool halkaas.
Gudoomiyaha degmada Iskushuban C/risaaq Muuse Cartan oo wareysi siinayay Horseed Media ayaa sheegay in abaaraha waayadaan halkaas ka jirtay ay saameyn ku yeelatay bulsho weynta halkaas ku dhaqan.
Wuxuu sheegay in maamulka gobolka Bari iyo Hay’ado samafal ay gaarsiiyeen saameynta abaaraha uguna baaqeen in ay wax ka qabtaan,balse waxaa uu ku dhaliilay maamulka gobolka Bari in ay ku egyihin xarunta maamulkaas ee Bosaaso oo aysan imaan degaanada kale ee ka tirsan.
Gudoomiyaha degmada Iskushuban ayaa sheegay inuu rajeynaayo in wax laga qabto saameynta abaaraha,isagoo xusey in ay jiraan dad kale oo ka yimi goobo kale oo soo gaarey degmadaas.
Abaaraha iyo Biyo la’aanta ayaa bilihi lasoo dhaafay ka jirey inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Horseed Media