Maamulka Gobolka Bari Oo Xariga Ka Jaray Hotel Cusub Oo Loogu Magac Daray Yasmin Plaza
Boosaso (RBC Radio) Xaflad balaaran Oo maanta Lagu Qabtay Xarunta Hotelka Cusub Ee Yasmin Plaza aya waxaa Ka soo Qayb galay masuuliyinta Maamulka Gobolka bari Iyo Kuwa degmada Boosaso.
Hotelkani oo Uu Si gaar ah U leeyahay Ganacsadaha Reer Boosasso ee Liiban Dheere ayaa waxaa Maanta Markii ugu horeysay Xariga Looga Jaray Xarunta Hotelka Oo Ku Taal bartamaha Boosaso.
Gudoomiyaha Gobolka Bari C/xaafid Cali Yusuf Oo Xariga Ka jaray Hotelkani AYaa Waxaa Uu Halkaasi Ka sheegay in Ay Aad U soo Dhaweynayaan Furitaanka Hotelkani Yasmin Plaza oo Ka Kooban Shan dabaq.
Masuuliyinta Puntland Ee Furitaanka Ka soo Qaybgalay
Waa Markii Ugu Horeysay Oo Hotel Intaa La Eg Laga Hergaliyo Boosaso Waxaana Masuulka Dagmada Boosaso Maxmuud Faarax Beeldaje uu Dhiniciisa sheegay in Loo baahan Yahay Ganacsatada Boosaso In ay U Soo Jeestaan oo Dowlada Hoose kala Qayb qaatan Dhismaha Wadoyinka Boosaso OO Haatan Meel Wanagsan Mareysa.
Liibaan Dheere Oo ah Ganacsadaha Dhistay Hotelkani CUsub Aya waxaa Uu sheegay in Hotelkani maanta La dhisayay Mudo Ku Siman Afar Sanadood isla Markaasina Jiraan Qaybo Kale Oo Haatan Habeytooda socoto KUwaasi Oo ku sheegay In ay Yihiin Qaab aan Horay Magalada Boosaso Looga dhisin.
Gudomiyaha Gobolka Bari Oo Xariga Ka Jaraya Hotelka Cusub
Dhinaca Kale Hotelka Yasmin Plaza Hotel Ee Maanta Xariga Laga Jaray ayaa Waxaa Uu Ka Kooban Yahay Qaybaha Jiifka iyo Hool Weyn Oo Loogu Talagalay Dhinaca shirarka Sidoo Kale Waxaa ka Mid ah Qaybaha Baakinada baaburta.
Arintani waxaa ay Ka mid Tahay Horumarada ay Ku Talaabsaneyso magalda Boosaso Ee Xarunta dhaqaalaha Puntland Waxaan Magalada Laga dareemaya Horumarada is Daba Jooga ah Ee sameynayaan Ganacsato Dib Uga soo laabatay Dalka Dibadiisa.
Mohamed A RashiiD
RBC Radio Boosaso