Garoowe:(Allpuntland)-Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in Amaanka & kaladanbaynta Puntland kajirta ay sii siyaaday islamarkaasna ay taasi keentay in hor’umar balaaran oo la tabaan karo ay Puntland ku tilaabsatay,waxaana ay qaramada midoobey sheegtay in hay’adaheeda guud ahaanba ay xafiisyo ka furanayaan caasimada Puntland ee garoowe islamarkaasna uu amniga Caasimadu imika yahay mid xasiloon oo laisku halaynkaro.
Madaxa arimaha bini-aadantinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya Mr,Mark Bowdan oo labadii cisho ee lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa sheegey in ay amniga Garoowe ku dareen magaalooyinka aduunka ee la’isku halaynkaro ayna madaxda Qaramada Midoobey isticmaali karaan,waxaana uu intaas kudaray in Puntland ay ku amaanayaan hor’umarka ay samaysay.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan Puntland joogo labo cisho,dhowr jeer oo horena waan imid,hor’umarka Puntland wuxuu u egyahay mid markasta sii siyaadaya,waxaan amaanku uu yahay mid la’isku halaynkaro,Waxaanu (Qaramada Midoobey) hoos u dhignay Khatarta amniga Garoowe,sidaas darteedna hay’adaheenu waxay isticmaali karaan Garoowe oo lamid ah magaalooyinka amniga leh ee Aduunka kajira ee aanu ka howlgalno”Ayuu yiri Mr,Mark Bowden.
Mr,Bowden wuxuu xukumada Puntland ee imika jirta ku amaanay sida ay uga shaqayso hor’umarsiinta adeegyada Bulshada gaar ahaana Amniga,Caafimaadka & Waxbarashada,waxaana uu sheegey in ay taasi keentay in dalku uu sii hagaago,isagoo Puntland u rajeeyey inay noqoto mid guulaysata oo gaarta meel kasaraysa imika halka ay joogto.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland