Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xawaalada Amal oo Raashin ay u qaybinayso Qaarkamid sool

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xawaalada Amal oo Raashin ay u qaybinayso Qaarkamid sool

Postby FBISOMALIA » Thu Feb 17, 2011 7:08 pm

Laascaanood:(Allpuntland)-Xawaalada AMAL ayaa qaybita deeq raashina ka bilowday gudaha magaalada Laascaanood iyadoo deeqdaas gaadhsiinaysay qaar kamid ah dadka danyartaa Ee Ku dhaqan magaalada Laascaanood iyadoo ay Jimciyada Salaamaha ayfulinaysay qaybinta deeqdan raashinkaas oo iskugu jirtay qaybaha kala duwan ee maceeshada sida Bariis,Bur,Saliid Timir iyo sharaab iyadoo deeqdaas ay ka faa'iidaysanayeen boqolaal danyara oo ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Munaasibada qaybinta deeqdan raashinkaa oo ka dhacday xarunta Jimciyada Salaama ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sarsarre oo ka tirsan Xawaalada Amal iyo Jimciyada Salaama.

Furitaanka qaybinta raashinka waxaa hadalo kasoo jeediyay wakiilka Xawaalada Amal Siciid Cabdi Ducaale (Siciid ELJI) oo in badan ku dheeraaday waxqabadyada Xawaalada Amal ee dhinacyada waxbarashada,Caafimaadka iyo gargaarida dadka danyartaa,Siciid wuxuu sheegay deeqdan raashinka in Xawaalada Amal ay ugu talo gashay dadka danyartaa ee waxyeeladu kasoo gaadhay abaaraha dalka ka jira isagoo intaas ku daray in markasta Xawaalada Amal ay diyaar la tahay ka qaybqaadashada horumarka bulshada ay u adeegto.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Saleebaan Khaliif Axmed oo kamid ah masuuliyiinta sarsarre ee Xawaalada AMAL isagoo Saleebaan dhankiisa sheegay ahmiyada Xawaaladu u hayso dadkeeda mar walbana diyaar ula tahay dadkeeda inay kala qaybqaadato waqtiyada adag sida waqtigan oo kalaa oo ay dalka ka jiraan abaaro mood iyo noolba saameeyay.

Dr.Saleebaan wuxuu intaas ku daray Xawaalada AMAL inay u taagantahay waxqabadka umadeeda ay ka dhexshaqayso iyadoo mar walbana diyaar la ah inay ka qaybqaadato dadaalada horumarineed ee bulshada.

intaas ka bacdi waxaa bilowday qaybinta deeqdaas raashinka oo ay ka faa'iidaysanayeen dadka danyara oo u badan dad waawayn,Masuuliyiinta Xawaalada AMAL sidoo kale waxay dee raashina gaadhsiiyeen cusbitalka dhexe ee magaalada Laascaanood gaar ahaan qaybta TBda iyagoo ku wareejisay masuuliyiinta qaybta TBda deeqdan raashinkaa,iyadoo Ugu danbayntii dadkii deeqdan ka faa'iidaysanayay ayaa Xawaalada AMAL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay dadkooda usoo xasuusteen loona baahanyahay shirkadaha kalena inay ku daydaan.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests