Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Ka Hadley Xafiisyo Loo Dhisayo Baarlamaanka
Garowe (RBC Radio):- Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowladda Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ka hadley xafiisyo loo dhisayo Baarlamaanka Puntland.
Mudane C/rashiid waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Puntland loo dhisayo 11 xafiis iyo laba qol oo kale, labadaasi qol oo mid ka mid ah ilaalada xarunta Golaha ay seexanayaan halka midka kalena uu yahay qol loogu talo galay in la dhigo wixii qalab ah oo ay wataan Mudanayaashu.
Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in dhismayaasha xafiisyada Golaha Baarlamaanka ay marayaan heer gabagabo ah isla markaana dhaqaalaha lagu dhisay ay ka kala yimaadeen Hay’ada Yurub u qaabilsan Baarlamaanada Afrika iyo xoogaa dhaqaale ah oo horey looga aruuriyey musharixiintii kal hore isu soo taagey xilka Madaxweynaha Puntland.
Mudane C/rashiid waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Puntland ay ka baxeen baahidii ay u qabeen in ay helaan xafiisyo dheeri ah iyo hool ka waasacsan kan hadda ay ku shiraan, wuxuuna intaa ku daray in ay uga mahad celinayaan dhamaan qeybihii iska kaashaday dhismaha xafiisyadaasi.