Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dood Cilmiyeed Afka Soomaaliga Soo Gaba-gabeeyey Garoowe

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Dood Cilmiyeed Afka Soomaaliga Soo Gaba-gabeeyey Garoowe

Postby FBISOMALIA » Sun May 08, 2011 4:39 am

Image

Garowe (RBC Radio):- Dood Cilmiyeed Afka Soomaaliga ku saabsan ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyey Magaalada Garoowe.

Munaasabad balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa loo sameeyay Dood cilmiyeedka, waxaana munaasabadaasi lagu Qabtay Hoolka shirarka ee Dawlada hoose ee degmada Garoowe.

Xaflada Waxaa ka soo Qaybgalay Maamulka & Macalimiinta Jaamacada ,wasaaradaha Waxbarashada & Caafimaadka Culimaa’udiin Iyo Marti sharaf kale ,Waxaana soo Qabanqabiyey Madaxda Jaamacada Faraceeda Garowe,iyadoo loo Qabtay Ardayda Jamacada waxaana Doodu ay socotay mudo dhan 15 Cisho

Mudadaas waxaa lagaga Doodayey Xoojinta Afka Soomaaliga ,Ardayda ayaa ugu horeyn Goobta ka soo Bandhigay Gabayo ku aadan Xoojinta Afka Hooyo kuwasoo ay u tiriyeen Jaamacada iyo Dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Jaamacada Faraceeda Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa jeediyey warbixin ku Adan Barnaamijka iyo marxaladihii uu soo maray waxaana uu sheegay in Dhalintu ka Faaiiday Cilmi la taaban karo oo la xiriirta Barashada Luuqada Soomaaliga ,”Waxaa Muhiim ah in la Xoojiyo Barashada Hidaha iyo Afka Dalka Hooyo ee Soomaaliga

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax ayaa la Dardaarmay Ardayda in aan laga Caajisin aqoon iswaydaarsiga waxbarashada ,ayna tahay arintaan mid lagu Horumarinkaro Cilmiga & afkeena labadaba.

Maxamuud Maxamed Idiris Wasiir kuxigeen Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa
sheegay in Tartanka noocaan oo kale ah ay ardaydu ka Helaan Dhiirigelin & bogaadin waxbarasho marka waa in aad badisaan ay Badiyaan Barnaamijyada Noocaan oo kale ah ,Jamacad ahaan Howlaha aad Bulshada u Haysaan Sii Xoojiya.

Shirkada isgaarsiinta ee Golis ee ka howlgasha deegaanada maamulka Puntland ayaa ka qayb qaadatay Xaflada loo Qabtay ardayda Tartanka ku jiray mudada.

Dr, Cali C/laahi Warsame Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa lagu soo Dhaweeyey Hadalka waxaana Mahad celin ka dib uu sheegay in loo Baahanyahay in la xoojiyo lana tayeeyo waxbarashada gaar ahaan in la soo Celiyo oo la wayneeyo afkeena Hooyo ee Soomaaliga, si kastaba ha ahaatee Kadis aqooneedkan ayaa ku soo dhamaaday Jawi aan la qiyaasi Karin.
Maxamed Daahir Yuusuf ( Saalim)

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests