Garoowe: -Tartankii todobaadka socday ee xaafadaha magaalada Garoowe ayaa lasoo gabagabeeyay,waxaana ciyaartii kama dambaysta ahayd wadacayaaray xaafadaha Horseed iyo Wadajir waxaana 2-1 guushu ku raacday xaafadda Horseed, labada xaafadood ayaa ciyaar wanaagmujiyay, waxaana xiritaankii ciyaartan kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Cayaaraha, Duqa Degmada Garoowe, Guddoomiyaha xiriirka Kubadda CagtaPuntland, maamulaha ciyaaraha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale.
Wasiirkuxigeenka Cayaaraha Puntland Mudane, Saciid Daahir Qodax ayaa waxa uu mahadnaq ballaaran ujeediyay dadkii soo qaban-qaabiyay ciyaarahan oo uu sheegay in ay yihiin ciyaaro muhiima oo ka qaybqaadanaya idhexgalka, isbarashada dhalinyarada iyo waliba dhanka ammaanka oo dhalinyaraddu ay kagajeedsanayaan waxyaalo ammaanka wax u dhimikara.
Duqa Caasumadda Garoowe Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalinayaan ciyaaraha kala duwan oo la doonayo in kor loogu qaado ciyaaraha gobolka, wuxuuna ammmaan u soojeediyay dhalinyarada ka qaybqaadanayay xaafadaha tartanka xaafadaha magaalada oo uu sheegay in ay si asluub ah u cayaareen intii uu tartanku socday.
Maamulaha Cayaaraha gobolka Nugaal oo si wayn uga dhexmuuqday qaban-qaabada iyo hirgalinta koobkan ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanagsan ee koobka xaafadaha ee loogu magacdaray koobka nabadda ku soo dhammaaday, wuxuuna balan qaaday in ay joogtaynayaan koobabka noocaan oo kale ah. Inta ay socotay xiritaanka xafladan waxaa barbar socotay abaalmarino la guddoonsiinay kooxda oradaadka, iyo shaqsiyaad ka qaybqaadanayay hirgalinta koobka Nabadda ee xaafadaha magaaladda.
Qabashada koobka Nabadda ee xaafadaha Garoowe ayaa waxaa iska kaashaday Dawalda hoose, maamulka cayaaraha iyoWasaaradda Cayaaraha, waxaana iminka soobaxaya ifafaalo wanagsan oo muujinaya dadaal lagu doonayo kor u qaadida cayaaraha Puntland.
Daabacaadda: Puntlandpost.com