Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wafdi kasocta Masar iyo Sacuudiga soo gaartay puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafdi kasocta Masar iyo Sacuudiga soo gaartay puntland

Postby FBISOMALIA » Tue Jul 26, 2011 1:40 pm

Image

Wafdi isugu jirta ganacsato iyo dhaqaatiir kasoo jeeda dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa maanta soo gaartay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,kuwaasi oo booqashooyin kale duwan ku tagay maxjarka lagu baaro caafimaadka xoolaha ee magaalada Boosaaso.

Wafdiga ganacsatada iyo dhaqaatiirta ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Bender Qaasim International Airport ee magaalada Boosaaso masuuliyiin katirsan maxjarka wayn ee magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.

Ganacsade Xasan Qalaf oo ka mid ah ganacsatada dalka Sacuudiga ee soo gaartay magaalada Boosaaso oo ugu horayn la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safarkooda uu qayb ka yahay dadaalo ay sameeyeen ganacsatada dalalka carabta iyo masuuliyiinta maxjarka Boosaaso oo ku’aadan in la dardar galiyo xoolaha loo iibgeeyo dalalka carabta.

Waxaa uu sheegay inuu sitoos ah uu u furmay ganacsi u dhaxeeya dalalka Masar,Lubnaan iyo maamulka Puntland,waxaana uu intaasi raaciyay in dhowaan dalka Masar iyo Lubnaan oo ganacsatadooda siyaabo kale duwan ay usoo gaareen magaalada Boosaaso inay dhowaan u bixi doonaan xoolihii ugu horeeyay oo isugu jirta geel iyo ari kuwaasi oo loo iibgeen doono dalalkaasi.

Maamulaha maxjarada Puntland ee lagu baaro caafimaadka xoolaha Maxamed Faarax oo ka hadlay imaatinka wafdiga ayaa sheegay inay ganacsatada iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland inay siweyn usoo dhoweeynayaan booqashada ganacsatda iyo dhaqaatiirta kasocota dalalka carabta.

Image

Waxaa uu sheegay in wafdigan ay u yimaadeen sidii masuuliyiinta maxjarka ay ugu wareejin lahaayeen waraaqo kusaabsan shuruudaha xoolaha ay qaadanayaan ganacsatada carbeed iyo sidii ay u arki lahaayeen maxjarka lagu baaro caafimaadka xoolaha loo iibgeeyo dalalka carabta.

Intaasi kadib masuuliyiinta maxjarka Boosaaso ayaa ganacsatada carbeed ee soo gaartay magaalada Boosaaso waxaa ay u galbiyeen maxjarka wayn ee magaalada Boosaaso,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen masuuliyiin katirsan maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso.

Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari ahna kusimaha gudoomiyaha gobolka Yuusuf Muumin Bide oo ganacsatada kusoo dhoweeyay maxjarka Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada ganacsatada carbeed ay ku yimaadeen magaalada Boosaaso,waxaana uu xusay inay tani qayb ka tahay dadaallo ay sameeyeen ganacsatada reer Puntland.

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide ayaa ugu dambeyntii sheegay inuu u soo jueedinayo ganacsatada inay ka qaybqaataan horumarinta gobolka Bari iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ka mid ahaa masuuliiyiinta ka hadashay soo dhoweynta ganacsatada iyo dhaqaatiirta maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maamulka Puntland uu siweyn uu ugu faraxsanyahay xiriirka dhanka ganacsiga ee dhexmari doona ganacsatada reer Puntland iyo ganacsatada Masar iyo Lubnaan,isagoona ku booriyay inay ganacsatada sii wadaan horumarinta ganacsiga xoolaha ee Puntland oo uu sheegay inay lafdhabar u yihiin dhaqaalaha soo galaya dalka Somaliya.

Ganacsatada carbeed ee kasocday dalalka Sacuudiga iyo Masar ayaa galinkii dambe ee maanta kadib booqashadii ay kusoo gaareen magaalada Boosaaso waxaa ay dib ugu laabteen dalka Jabuuti oo ay markii hore kasoo dhoofeen

Si kastaba,maxjarka xoolaha ee magaalada Boosaaso ayaa tan iyo markii la furay sanadkii 2008 waxaa uu xiriir wanaagsan oo dhanka ganacsiga xoolaha uu la sameeyay wadamada carabta sida Sacuudiga,Kuweit,Imaaraadka Carabta iyo Cumaan,waxaana xiriirka ganacsi ee dhexmari doona dalalka Masar Lubnaan iyo maxjarka Boosaaso uu qayb ka noqonayaa horumarka dhinaca ganacsiga ee uu gaaray maxjarka Boosaaso.

Horseed Media.

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: Wafdi kasocta Masar iyo Sacuudiga soo gaartay puntland

Postby CismanMaxamud1 » Tue Jul 26, 2011 1:45 pm

:som: :up:

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wafdi kasocta Masar iyo Sacuudiga soo gaartay puntland

Postby FBISOMALIA » Tue Jul 26, 2011 1:48 pm

Dhaqatiir iyo Ganacsato Carbeed Oo Maanta Lagu Soo Dhaweyay Magalada Boosaso

Image

Boosaso ( RBC Radio) Wafdigan oo ka socday dalka Masar ayaa maanta lagu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha ee magalada boosaso, ujeedada wafdigani ayaa waxaa ay ahayd sidii ay ugu kuur-gali lahaayen xaalada maxjarka Magalada Boosaso.Gudoomiyaha gobolka bari Yusuf Mumin Bidde,duqa magalada Boosaso Maxmuud Faarax, Agaasimaha maxjarka dawaliga Boosaso Maxmed Faarax iyo Ganacsato farabadan ayaa halkaasi ku soo dhaweyay.

Markii ay ka soo dageen garoonka ayaa halkaasi waxaa ka hadlay Ganacsade Xasiim Oo ku hadlayay magaca dhaqatirta iyo ganacstada reer masar ee maanta yimid Boosaso una dhashay dalka sucuudiga.

Image

Xasiim ayaa halkaasi ka sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshahooda Puntland iyo sida loogu soo dhaweyay,isagoona u mahadceliyay dawalda Puntland iyo Madaxdeeda.

“anigoo ku hadlayay afka dhaqatirta maanta Puntland timid waxaan idin sheegayaa in uu bilowmay ganacsi cusub oo dhexmari doona Puntland iyo walalalahooda Masar,arintaasi oo maanta aan Boosaso u imaanay”ayuu hadalkiisa ku yiri ganacsade Hasiim.

Sidoo Kale waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud Maxjarka Maxmed Faarax oo soo dhaweyn ka dib ka warbixiyay wafdigani sheegayna in ay soo eegi doonan xaalada maxjarka boosaso iyo sida uu shaqeyo.

Image
Dhakhaatiirta Oo La soo Dhaweyay

Agaasimaha ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in wafdigani oo iskugu jira ganacsato iyo dhaqaatiir tagi doonan Maxjarka, gaar ahaan qaybta sheybaarka halkaasi oo ku eegi doonan sida uu shaqeyo.

Intaasi ka dib wafdiga ayaa loo gudbiyay maxjarka weyn ee boosaso halkaasi oo ku dhowrayeen madaxda degmada iyo gobolka bari oo muddo ku sugayay halkaasi.

Image

Ka dib booqasho ay ku tageen qaybaha kala duwan maxjarka gaar ahaan Qaybaha xoolaha ay ku xareysan yihiin sida kuwa Geela, Lo’da iyo Ariga ayaa waxaa shir Jaraa’id ku qabtay Maamulka gobolka bari iyo kan degmada boosaso.

Duqa Boosaso Maxmuud Faarax Beeldaaje oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaa wafdigan ganacsatada iyo dhaqatirta ee yimid Boosaso kuna Casuumayaan Puntland si loo hagaajiyo xiriirka dhinaca Ganacsiga ee Puntland iyo Masar.

Waxaana sidoo kale duqa Boosaso uu amaan buuxda u jeediyay dawlada Masar oo xiligan xiriir dhinaca xoolaha la yeelan doonta Puntland, taasi oo ah wax lagu faraxo, shacabka Puntland Horay u soo dhaweyen dalal badan oo carbeed kuwaasi oo xiriir ganacsi la yeeshay Puntland Kuna amaanay habaka xoolaha Puntland.

Image
Dhamaan Wafdiga Carabta ee Maanta Boosaso Yimid

Ku simaha Gudoomiyaha gobolka bari ahana Ku xigeena Gudoomiyaha Yusuf Mumin Bidde oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dhamaan dalalka carabta in ay ku daydaan Masar oo haatan xiriir Cusub oo dhinaca ganacsiga ah la yeelaneysa Puntland.

Isagoona ku amaanay Dalalka haatan xiriirka ganacsi la leh Puntland sida ay xoolaha uga qaatan Puntland iyo somaliweyn taasi oo keeneysa in isdhexgal ganacsi yimaado waxaana uu ku booriyay wafdiga Masar in ay laba jibaaran Howlaha ganacsi ee la wadaagan Somali.

Image
Wafdiga Oo Dib Ugu Noqday Dalkooda Masar

Wafdigani ayaa galabta ka dhoofay magalada boosaso, waxaana agaasimaha Guud ee maxjarka boosaso Maxmed Faarax ay ku wareejiyeen Dukuminti ay ku qoran yihiin shurudaha Masar ay ku xirtay Xoolaha somalia, Jawaabna laga dhowraayo Maxjarka Boosaso.
Hadaba maaha markii ugu horeysay oo Dawlad ka mid ah kuwa carabta uu Puntland la furto arimo ganacsi, Muddo laba bilood ka hor ayaa Puntland waxaa yimid wafdi ka socda dalka Lubnaan oo ogolaaday in ay Xoolaha ka qaatan Puntland, waxaana la filayaa in Dawlada Masar ay bilowdo xoolaha ay ka qaadaneyso Puntland.

Puntland ayaa horey waxaa ay arimo ganacsi ula lahayd dalalka Yaman,Imaaradka,Cumaan iyo Sucuudiga waxaana haatan soo kordhaya dalalka daneynaya in Puntland ay la yeeshaan xiriir dhinaca xoolaha ah waxana ay wafuudan dhamaantood ay amaanen sida uu shaqeynayo Maxjarka xoolaha ee Boosaso.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests