Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Radio Gaalkacyo Oo Tartan Cilmiyeed u furtay Xaafadaha Gaalk

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Radio Gaalkacyo Oo Tartan Cilmiyeed u furtay Xaafadaha Gaalk

Postby damu » Fri Aug 05, 2011 11:45 am

Gaalkacyo(Puntlandi.com):-Munaasabad lagu daahfurayay Tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan ee Idaacada Gaalkacyo ayaa xalay waxaa lagu qabtay stuudiyadaha idaacada Radio Gaalkacyo.


Tartan aqooneedkan ayaa waxaa ka qayb galaya Xaafadaha kala ah:

Israac laanta 2aad Garsoor Laanta 1aaad Horumar Laanta 1aad Dalsan ( Wadajir)

Israac Laanta 3xaad Garsoor Laanta 2aad Horumar Laanta 2aad

Israac Laanta 4aad Garsoor Laanta 3xaad

Israac Laanta 5aad Garsoor Laanta 4aad

Garsoor Laanta 5aad

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalayay Xubno matalayay 12 Lamood ee ka qaybgalaya Tartan aqooneedka, Guddiga aayakatalinta gobolka mudug iyo Guddiga garsoorka barnaamijka Tartan aqooneedka,

Waxaana munaasabada Farintaanka tartan aqooneedka Hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Daahir Cabdule Faarax, waxaaana uu ka hadlay ujeedada tartankan, Isagoo sheegay ujeedada tartanka ay tahay

1-In dhalinyaradu ay kala faa’iidaystaan aqoonta dhaxdooda ah

2-In dhalinyaradu ay sameeyaan isbarasho,isdhaxgal iyo isku xirnaan dhalinyarada gobolka mudug.

Sidoo kale waxaa isna furitaankii Tartan aqooneedkan hadal ka jeediyay Maxamad Yuuusuf Jaamac (Tigey) oo kamid ah guddiga aayakatalinya Gobolka mudug waxaana uu u mahadceliyay idaacada Radio Gaalkacyo ee tartankan qabanaysa, waxaana uu shegay in barnaamijkan faa’iidooyin badan uu u leeyahay bulshada gaalkacyo iyo dhalinyarada gobolka mudug.

“Runtii waa barnaamij taariihki ah in dhalinyaradii gobolka mudug ay ku tartamayaan aqoon, waa arin wanaagsan oo ka qaybqaadanaysa isdhaxgalka dhalinyarada iyo iskuxirnaantooda iyo wax wada qabsigooda ay ku kala faaiidaysanayaan aqoonta dhaxdooda ah, ay ku baranayaan taariikhda dhulkooda Hooyo “Ayuu yiri Maxamad Yuuusuf Jaamac

Sidoo kale Maxamad Yuusuf waxaa uu ugu baaqay shirkadaha iyo ganacsatada gobolka mudug inay idaacada ka teegeeraan barnaamijkan qiimaha ugu fadhiya dhalinyarada gobolka ,isagoo sidoo kale mahad ballaaran ujeediyay guddiga garsoorka ee barnaamijka hagaya inta uu ka dhamaanayo .

Munaasabada ayaa waxaa inti ay socotay la sameeyay qorituurka sida ay iskugu aadayaan xaafadaha barnaamijkan ku tartamaya iyadoo la sameey saddax Group oo ay ku jiraan groupkiba afar laamood

Group A Group B Group C

Horumar laanta 2aad Garsoor 4aad Horumar Laanta 1aad

Garsoor Laanta 1aad Israac 3xaad Garsoor Laanta 3xaad

Israac Laanta 4aad Dalsan(Wadajir) Garsoor Laanta 5aad

Israac laanta 2aad Israac Laanta 5aad Garsoor Laanta 2aad

Tartanka habeenka ugu soo horeeya ayaa waxaa uu dhaxmari doonaa labada xaafadood ee Horumar 2aad VS Garsoor Laanta 1aad

Dhalinyarad Magaalada Gaalkacyo ee ka qaybgalaysa barnaamijkan ayaa siwayn u soo dhaweeyay Tartan aqooneedkdkan ay qanbanayso Idaacada Radio Gaalkacyo iyagoo mahad balaaran u jeediyay idaacada iyo guddiga garsorka ee barnaamijka

Tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay qabanayso Idaacada Gaalkacyo ayaa socon dono inta lagu jiro bisha ramadaan waxaana habeen walba 08:50Pm fiidnimo uu ka bilaaban doonaa Idaacada iyadoo Xaafada ku guulaysatana ay heli doonto abaalmarino kala duwan oo loogu talagalay.

Image

Image

Image

Image

Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests