Boosaaso: Dadka degen xaafadaha xeebta ku dhow oo nadaafad daro ka cabanaya [SAWIRO]
About:- 1 min ago| 0 Commnets
Dadka degen xaafadaha xeebta ku teedsan ee magaalada Boosaaso ayaa ka cabanaya qashin tiro badan oo ay sheegeen inuu xaaxiga xeebta iyo hareeraha guryahoodaba aad usoo buux dhaafiyey.
Xaafadaha ay dadka ku dhaqani arintaas aadka uga cabanayaana waxaa kamid ah xaafda Zuweyta oo ah xaafad xeebta kulaasha kuna taala dhinaca bari ee dekedda magaalda Boosaaso .
Siciid Muuse (Tooreeye) oo kamid ah Odayaasha xaafada Zuweyta islamarkaana qayb ka ah Guddiga horumarinta ee xaafada Zuweyta oo Horseed Media la hadlay ayaa ka warbixiyey sababta ka danbeysa cabashada xiligan dhankooda kasoo yeertay.
Wuxuuna sheegay in dowlada hoose ee degmadu ay ka gaabisay daryeelka guud ee nadaafada xeebta taasina ay keentay in qashin badan lagu arko xeebta hareeraheeda iyo weliba agagaarka guryaha xeebta ku dhow oo intooda badan ay dad danyar ahi ku dhaqan yihiin.
Siciid Muuse ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad xiliyada habeenka ah iyo wakhtiyada kale ee isu socodka dadku uu aadka u yar yahay qashin iyo biyo wasakhaysan ku shuba xeebta arintaasina ay tahay mid nadaafada guud iyo caafimaadka dadka xeebta agteeda degenba wax u dhimi karta.
Wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in wasakheynta xeebta ay gacan weyn ka geystaan qaar kamid ah dadka leh Maqaaxiyaha cuntada laga cuno kuwaas oo iyagu biyaha wasakhaysan ee meheradahooda laga keeno usoo dhiiba Gaari-gacanleyaal iyaguna marka ay soo qaadaan bada ku shuba.
Ugu danbeyntii Siciid Muuse (Tooreeye) oo kamid ah Gudiga xaafada Zuweyta ee magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay maamulka dowlada hoose ee degmada in ay xil iska saaraan sidii loo qaadi lahaa qashinka tirada badan ee xeebta hareeraheeda tuuran , talaabo shariciga waafaqasanna looga qaadi lahaa dadka xeebta qashinka ku shuba.
Ma ahana markii ugu horeysey oo ay dadka xaafadaha xeebta Boosaaso ku dhow degeni ay kasoo qayliyaan qashinka xeebta la keeno, waxayna cabashada ka timi bulshada ku dhaqan xaafada Zuweyta kusoo beegmeysaa xilli todobaadyadii u danbeeyey ay dowlada hoose wadey Olole balaaran oo qashinka magaalada dhexdeeda looga nadiifinayo.
Acuudi Billahi wat a disgrace. How can they allow this garbage to pile up like this, meesha mamul kama jiro miyaa? wallahi wax naxdin waxan oo kale!!! I've seen the garbage littered on the sea-side before but I didnt think it was this bad this is unspeakable and it is disgraceful. Cant they just implement a garbage pick up twice a month? put a few large bins in areas heavily used? collect it and dump it outside of the city. Ceeb ba dhacday