Garoowe:-Xarunta Cilmi Baarista Puntland PDRC ayaa maanta lagu qabtay kullan ballaaran oo lagu daah-furayo Dastuurka Puntland waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin badan oo ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay M-waynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiin ka socday hay’adaha samafalka, Issimo, Culimo,Waxgarad iyo martisharaf aad u badan
Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Fadaraalka Cabdi Xasan Jimcaale ayaa waxa uu sheegay in wado dheer loo soo maray geedisocoka Dimuqraadiyaynta Puntland, waxaana uu sheegay in xiligan la soo gaaray xiligii shaqada inteeda badan ay wadi lahaayeen Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashada Puntland.
Waxa uu sheegay in ay doonayaan in Puntland ay u guurto nidaamka Dimuqraadiga ah ee dadku awooda leeyihiin oo ay madaxdooda ku soo dooran karaan.
Maxamed Xassan Bare Guddoomiyaha Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashada Puntland e ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in Puntland u guurto nidaamka Dimuqraadiyaynta ayna iminka ku hawlan yihiin.
Masuul u hadlay hay’adda Interpeace ayaa waxa uu sheegay in ay si wadayaan dhaqaalaha ay siinayaan Guddiga doorashada, waxaana uu sharaxaad ka baxshay habka loo soo maray nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland.
Dhowr qof oo wakiil ka ahaa hay’adaha samafalka ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin daah-furka Dastuurka, waxaana ay sheegeen in ay Puntland ku garab taagan yihiin nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland.
M-waynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu sheegay in dad badan la qaldo oo loo sheego in Dastuurka uusan ahayn mid wanaagsan oo dhanka Diinta ku habboonayn oo si qaldan loo turjomo, waxa uu sheegay in la doonayo in Dastuurkan uu sahlo in qofka xoolaha wata uu meesha uu joogo ku doorto cida uu doonayo in uu madax ka noqdo Puntland.