Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 16, March 2012 ku qaabiley aqalka martida Qardho wafdi heer sare ah oo ka socdey dowladda Turkiga kuwaasi oo boqasho ku yimid deeganada Puntland shalay.
Turkigan ayaa waxa horkacayey xiriiriyaha hayada horumarinta u qaabilsan Turkiga Mr. Cadulaad oo ay wehelinayeen Injineero dhanka dhismaha iyo weliba aqoonyhano qaabilsan biyo-gelinka.
Qado sharaf loogu sameeyey wafdiga Qardho kadib ayay kulan balaaran la qaateen masuuliyiinta Puntland oo ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamaca Ilkajir ,wasiirka caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi Warsame.
Intaasi kadib ayay labada dhinaci erayo kooban siiyeen warbaahinta ,waxana ku horeeyey sarkaalka Turkiga ka socdey oo ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweeyey Puntland shacab iyo dowladba.
Booqashada Puntland ay ku yimaadeen Turkidu ayuu ku sheegey sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariic horumarineed ,dhowaana ay keeni doonaan injineero guda gala qabashada howsha baaxada leh.
Waxa uu sheegey in Muqdisho ay horey ka bilaabeen dayactirka wadooyinka iyo xarumaha waxbarashada haatana qorshohoodu yahay in Puntland talaabada labaad noqoto ,isagoona raaciyey in wejiga saddexaad damacsanyihiin Somaliland.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo isna erayo kooban soo jeediyey ayaa cadeeyey in Puntland tahay goobta ugu horeysey ee Turkidu dalka ka timaadaa ,waxana la hormariyey xaaladii bini’aadanimo ee deg-dega ahayd.
Kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada oo Turkigu gacan ka siiyo Puntland ayuu ku sheegey madaxweynuhu inay qayb ka ahayd shirkii Istabnul uga qayb galeen Mat2010.
Baahiyaha Puntland ayuu raaciyey in dowaldiisu u gudbiseyTurkigu oo lagu balansanaa in Puntland ay ka qabtaan ,waxana uu uga mahadceliyey booqashada islamarkaasina xusey inay isla garteen qodobadii ay isla soo qaaden labada dhinac.
Dowladda Turkiga ayuu siweyn uga hadlay dadaalka ay ugu jirto samatabixinta umadda Somaliyeed,iyo shirka lagu qaban doono Istanbul June 2012.
Wafidgan ayaa isla galabta dib ugu soo laabtey Garowe xarunta Puntland oo horey saaka uga anbabaxeen,waxana ay ka hor inta aysan bixin kormeer ku sameeyeen goobaha waxbarashada iyo xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ee Garowe