Is this like galgale nuux mahamuud case?
Gaalkacyo(puntlandi.com):- Hotelka Saylaan ee Magaalada Gaalkacyo ayaa manta waxaa ka dhacay kulan balaaran oo ay qabatay beesha Xariir Maxamuud Saleebaan.
Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen waxgaradka, Odayaasha, Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Culima’udiinka iyo qayabaha kala duwan ee beelaha Puntland iyo Beesha Xariir Maxamuud Saleebaan ayaa ahaa mid Beesha Xariir Maxamuud Saleebaan ay isku baraysay beelaha ay walaalaha la tahay ee Puntland gaar ahaana Gobolkan Mudug.
is this like galgale nuux mahamuud case and what is the historic basis.
where majerteen scattered in the past and what was the reason for such scattering of beelaha majerteen
Kulankan waxaa ka hadlay Odayaasha, Waxgaradka iyo dhalinyarada Beesha Xariir Maxamuud Saleebaan oo ka qaybagalayaasha kulanka warbixino ka siiyay deegaanada ay beeshu degto, waxyaabaha ay dhaqan ahaan u leeyihiin iyo walaaltinimada kala dhaxaysa beelaha Puntland dega, waxayna carabaabeen in beeshu ay degto qaybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia lakin dhalasho ahaan ay ku abtirsadaan beelaha Puntland ku bahoobay.
Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Odayaasha iyo waxgaradka beelaha Puntland ee kulankan ka soo qaybgalay waxay aad u soo dhaweeyeen walaalahooda u soo hiloobay ee deegaanada aadka u fog uga yimid sidii ay isku bari lahaayeen walaalahooda kale ee Puntland.
Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ka qaybgalayaashu waxay si qoto dheer u taabteen muhiimada ay leedahay isbarashada iyo is gacan qabsiga dadka walaalaha ah, waxayna xubnaha matalayay beelaha Puntland goobtan ak qireen in Beesha Xariir Maxamuud Saleebaan ay tahay beel walaal la ah oo ay deegaan ahaan ku ogyihiin dhulka Ethiopia islamarkaan aay qirayaan in deegaanadaasi ay ka muuqdaan si baaxad lehna ugu dhaqmeen.
Kulankani waxaa uu ka mid yahay kulamada ugu muhiimsan ee mudooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaanada Puntland, waxayna dhinacyadii ka soo qaybgalay si daacadnimo leh isugu muujiyeen farxad ay walaaltinimo ku dheehantahay, gabagabadii shirkana waxay ka qaybagalayaashu isku gacan qaadeen si niyad ah, iyagoo xubnuhu ay isugu marxabaynayeen isbarashada qiimaha leh iyo iswalaalsiga dhabta ah.