Wafdi ka socda Dalka Netherland oo soo gaaray Magaalada Garoowe xarunta Puntland
June 6, 2012
Wafdi uu horkacayo Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland.
Ka dib soo dhaweyn Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyay dhanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana halkaasi ay kula kulmeen madaxda Sar sare ee Dowlada Puntland sida Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire.
Kulan ay wada qaateen madaxweyne ku xigeenka iyo wafdiga wasiirka ka dib ayaa Wasiirka Dalkaasi Netherlands waxa uu sheegay in Safarkiisa magaalada Garoowe ay ku yimaadeen isaga iyo wafdigiisa uu ku aadan yahay arimo badn ayna ugu weyntahay arinta iskaashiga la dagaalanka Burcad badeeda iyo arimo kale sida Amaanka iyo arimaha Kala xiliga Kala guurka .
Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Netherland ayaa sidoo kale sheegay in Dowladiisu ay diyaar la tahay Iskaashi dhinac kasto leh in ay la sameyso dhinacyada Dowladaha ka jira Soomaaliya sida Maamul goboleedyada iyo Dowlada dhex ee Soomaaliya, si loo xoojiyo kala dambeynta amniga iyo horumarka.
Sikastaba ha ahaatee wafdiga Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu isla maanta ka amba baxo magaalada Garoowe iyagoona magaalada Addis Ababa ee Dalkaasi itoobiya kula kulmaan wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland oo ku sugan dalkaasi.
SBC International Garoowe