Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The town of Iskushuban refuse farole sham elections

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

The town of Iskushuban refuse farole sham elections

Postby Southie4life » Fri May 24, 2013 7:53 pm

Image

http://horseedmedia.net/2013/05/24/urur ... u-dhuftay/ <- - Link with more pic's and audio.


Shacabka Iskushuban oo xiray Xafiis uu Xisbiga Faroole furtay [Sawiro&Dhageyso]
Urur siyaasadeedka Horseed xafiis uu dhawaan ka furtay degmada Isku-shuban oo albaabada la isugu dhuftay.
| on May 24, 2013
6 Comments

DSC08782
Waxaa degmada Isku-shuban ee ka tirsan gobalka Bari ee Puntland ka dhacay kulan ay shacabka magaalada ku xireen Xafiiskii urur siyaasadeedka Horseed magaalada ka furtay, isu soo baxan oo ay ka qeyb qaateen Nabadoonada, waxgaradka degmada, ururada dhalinyarada iyo haweenka. Shacabkan ayaa kuraas hor dhigtay Xafiiska la sheegay inuu furtay Xisbiga Madaxweynaha Puntland iyagoo xiray goobtaasi isla markaana burburiyey astaamihii xisbiga Horseed ee goobtaasi yiilay.

Isu soo baxan ayaa yimid kadib markii dhawaan saxaafada lagu baahiyey in ururka Horseed uu xafiis ka furtay degmada Iskushuban oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimsan Puntland iyo dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay dhawaan booqdeen xubno ka socda Dowlada Puntland kana mid ah xisbiga Madaxweyne Faroole ee Horseed. Wafdigan safarkooda ku tagay magaalooyinka Ufeyn, Iskushuban, Carmo iyo Bali Dhidhin, waxaana galbinayey gaadiidka dagaalka iyo ciidamo badan oo illaalo ah.

Sawiro Booqashadii Wafdiga Horseed

Wasiirka Amniga iyo Kuxigeenkiisa oo ay la socdaan illaaladooda

Wafdiga oo salaamaya dhalinyaro

Tabeelaha Xafiiskii Wafdigan ka furay Isku-shuban


Dad kooban oo ay la kulmeen Wafdiga

Wafdiga Xisbiga Horseed

Wafdiga xisbiga Farole oo ku sugan Ufeyn



Wafdigaas oo markii hore degmooyin kamid ah gobalka Bari ee aan saarneyn wadada laamiga todobaadkii lasoo dhaafay tagay ayaa markii hore sheegay inay u socdeen arrimaha xalinta khilaafaadka beelaha ku dhaqan gobalka Bari oo horey xiisado ugu dhexmareen deegaano daaqsin ah, balse wafdigan ayaa markii goobahaasi tageen shaaciyey inay fureen xafiiskii Xisbiga Horseed deegaanadaasi oo kamid ah degmooyinka la doonayo inay ka dhacdo doorashada Puntland.

Wafdiga oo ay horkacayeen Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan, Kuxigeenkiisa, Guddoomiyihii hore ee Gobalka Bari Muuse Geele kana mid ah ururka Horseed abaabulayaashooda loo magacaabay gobalkaasi iyo xubno kale oo kamid ah maamulka.
HorseedBarifog3

Astaantii Xafiiska Xisbiga Farole ee Degmada Iska-shuban xiligii Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan uu furayey.

Shacabka magaalada Isku-shuban oo arrinta ka horyimid, walow xafiiskan uusan ahayn mid shaqeenayey isla markaana Tabeele far gacanta lagu qoray Astaan looga dhigay, ayaa waxaa gebi ahaan hada la wareegay shacabka magaalada Iskushuban oo ja jabiyey tabeelayaashii halkaasi la suray.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay banaanbaxaasi Maxamed Xirsi Maxamed oo ka mid ah cuqaasha degmada, waxa uuna sheegay haddii ay yihiin cuqaasha degmada in ay ka soo horjeedaan xafiis uu dhawaan ka furay degmada Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan, islamarkaana aysan aaminsaneen urur siyaasadeedyada ka jira Puntland.

“…Waxaa ka jirta degmada, caafimaad daro, nafaqo daro, goobo waxbarasho oo sidaa weyn oo aan ka jirin degmada, mashruucdyada hormarineed ee ay helaan degmooyinka kale ee Puntland oo aan ka jirin degmada mana yeeli doono in hadda na loo yimaado oo xafiiska urur siyaasadeedka Horseed laga furo degmada ayuu hadalkiisa ku dara…” Maxamed.

Salaad Muuse Cumar oo isna ka mid ah xubnihii halkaasi kala hadlay shacabkii banaanbaxayey ayaa sheegay in aysan aqbali doonin lug gooyo, dibin daabyo, mana ogin xisbiyo ka jira Puntland, mana naqaano inuu jiro maamul, waayo wax noo yimaada manaan arag ayuu yiri.

Maxamed C/raxmaan Qalas oo kamid ah xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in degmada ay ku tiirsan tahay dadka shacabka ee ku nool, ayna jirin maamul wax u qabta ee haatan ka jira Puntland.

Haweenka magaalada Iskushuban oo horkacayey banaabaxa ayaa qaarkood waxay sheegeen in dowladihii soo maray Puntland ee xukuumadii AUN Cabdullahi Yusuf, Gen.Cadde Musse iyo mida hada jirta ee Cabdiraxmaan Faroole midna aan degmada wax u qaban waxayna sheegeen inaan xafiisyo qarsoodi ah magaaladood ka furan karin wax xisbi ah.

Dareenka Dadweynaha iyo Dowlada

Xisbiga Madaxweynaha Puntland oo ay hoos tagaan dhamaan xubnaha dowlada Puntland ayaa culeys weyn ka heystaa furitaanka xafiisyadooda iyo waliba diiwaangelinta xubnaha xisbigaasi oo aan horey loogu guuleysan. Xisbiyada Puntland looga dhawaaqay ayaan ku guuleysan inay buuxiyaan diiwaangelintii xubnahooda oo laga rabay 330 gobal walba oo kamid ah gobalada Puntland oo ugu yaraan shan gobala lagu xiray inay ka diiwaangeliyaan.

Sharuudaasi ayaa waxaa Guddiga KMG ee doorashada Puntland (TPEC) ka saaray Sharuudihii lagu xiray ururada Siyaada iyo hubintooda, waxaa sidoo kale labo mar dib loo dhigay doorashada, iyadoo arrintaasi la xariirta ururada Siyaasada oo aan weli heysan taageerada degmooyinka Puntland ee la sheegay inay doorashooyinka ka dhacayaan.

Ururka Horsed ee Madaxweyne Faroole ayaa gobalada Puntland u kala diray wafduud Wasiiro u badan kuwaasi oo ay wehliyaan illaalo xoogan, waxayna goobaha qaarkood sheegeen inay xafiisyo ka fureen, walow hada ay muuqato xafiisyadii la furay in irida la isugu laabay markay halkaasi kasoo noqdeen.

Ururada Siyaasada ee iyagu sheegay inay mucaarid yihiin ayaan heli fursadaha Xisbiga Horseed oo ay kamid tahay gaadiidka iyo illaalada ciidamada, iyagoo ay caqabadi hada ka heysato laftooda inay furtaan xafiisyadoodii gobalada.

Arrimahan ayaa muujinaya sida ay u kala aragti fogyihiin shacabka iyo Dowlada dooneysa inay bisha July 15keeda qabato doorashada golayaasha deegaanka oo ay hada qaadaceen qaar kamid ah Xisbiyadii horey u sheegay inay ka qeyb galayaan oo uu kamid yahay xisbiga Midnimo.

Waxgaradka Puntland iyo Siyaasiinta ayaa qaarkood ka digay in xiliga Puntland doorasho aan diiwaangelin lahayn ka dhacdo isla markaana ka digay inay arrintan keeni karto xiisado horleh oo khal khal geliya amnigii horey uga jiray deegaanada Puntland. Shacabka in badan oo kamid ah ayaa u arka doorashada soo socota ee golayaasha deegaanka mid musuq maasuq geli doonta maadaama aysan jirin qodobada ay kamid yihiin:

1- Tirakoobka Shacabka degmooyinka ku dhaqan
2- Diiwaangelintii Codeeyayaasha
3- Xaduudaha degmooyinka oo aan weli la cayimi, waxaana jira degmooyin cusub oo ay dowlada sanadka ku dhawaaqay oo la sheegay inay doorashada ka dhaceyso halka degmooyin horey u jiray la sheegay inaan sanaadiikhda la geyn doonin.
4- Korjoogayaal lagu kalsoon yahay ama caalami ah oo aan imaan doonin doorashada Puntland
5- Ururada Siyaada oo aan kasoo bixin Sharuudihii ugu muhiimsanaa ee horey loogu xiray
6- Guddiga Doorashada KMG ee TPEC oo hoostaga Xisbiga Horseed
7- Amniga oo aan sugeyn goobaha qaarkood oo Dowlada loo diiday inay xafiisyo ka furato halka Xisbiyada kale ee mucaaridka aysanba isku dayin inay goobaha qaarkood tagaan.

Cabdirisaaq Maxamed
Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests