Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado iyadoona ay si weyn u soo dhoweeyeen dadweynaha iyo Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Kumanaan dadweyne ah oo isagu jira qeybaha kalduwan ee bulshada Sida Odoyaasha, Dhalinyarada, Haweenka iyo Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu ugu horeeyo Madaweyne ku xigeenka Maamulka C/raxman Shaticadde, Golaha Wasiirada, Baarlamanka, Golaha Guuritada, Garsoorka Maxkamadaha, dhamaan Masuuliyiinta Maamulka, iyo laamaha ammaanka ayaa si weyn uga qeyb qaadanayey soo dhoweynta Wafdiga Madaxweyaha Dowlada KMG Soomaaliya, waxana markii ay ka soo degeen diyaaradii ay la socdeen waxa uu gacan qaaday dadweynihii ka qeyb qaadanayey Soo dhoweyntiisa.
Wafdigan ayaa markii danbe waxa loo soo galbiyey Xarunta Madxtooyada Maamulka halkaasi oo sidoo kale ay ku sugnaayeen Kumanaan dadweyne ah iyo qaar kamid ah ardayda wax ka dhigata dugsiyada kala duwan ee Magaalada Cadaado, kuwaasi oo qaadayey heesta Calanka iyo heeso wadani ah oo ay uga qeyb qaadanayeen Soo dhoweynta Madaxweynaha Wafdiga uu horkacayey.
Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa safarka waxa ku wehliyey Goddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Goddoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid ilkaxanaf, Wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur iyo Saraakiil katirsan AMISOM.
Intaa kadiba Wafdiga ayaa gudaha u galay hoolka Shirarka Madaxtooyada Maamulka Ximan iyo Xeeb halkaasi oo ay kula hadleen boqolaal dadweyne ah.
Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye Cumar Gurreeye oo furitaanka xaflad ka hadlay ayaa ayaa sheegay in maanta wixii ka horeeyey shacabka iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb ay ka tabanayeen Dowlada KMG Soomaaliya xaq soor la aan Xuquudii ay ku lahaayeen Dowlada balse ay maanta xantaasi hartay Maadaama Madaxweynuhu soo gaaray Magaalada Cadaado.
Munaasabada ayaa sidoo kale waxa ka hadlay Goddoomiyaha Golaha Barlamanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb C/raxman Sh. Cabdullahi Shaaticadde.
Goddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay imaashaha Magaalada Cadaado iyo sida loo soo dhoweeyey.
Madaxweynaha Dowlada KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed khudbad kooban ka jeediyey Xaflada ayaa waxa uu ugu hanbalyey Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Shacabka guulaha ay ka gaareen Nabadda.
Ugu danbeyn wafdiga ayaa si nabad ah uga duulay Garoonka diyaarada ee Magaalada Cadaado iyagoona u duulay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya, maadaama labdii maalin ee ugu danbeeye ay ku sugnaayeen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo ay uga qeyb galayeen Aaska Madaxweynihii Hare ee Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed.
Si kastaba waa markii ugu horeysay oo Masuuliyiinta ugu sar sareeysa Dowlada KMG Soomaaliya ay soo gaaraan Magaalada Cadaado Tan iyo wixii ka danbeeyey markii la dhisay Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Codka Gobolada Dhexe
info@goboladaradio.com
Hoos ka daawo Sawirada