

Swedan.(GMN)Kadib is casilaadii raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa waxaa soo baxaya xusul duub badan oo ku saabsan cidda qabanaysa jagadda raysal wasaaraha cusub.Madaxwayne Shikh Shariif ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo raysal wasaaraha cusub oo uu soo magacaabayo, waxaa uuna si ku meel gaar ah jagadda raysal wasaaraha ugu dhiibay Cabdi Waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex) oo asagu ah raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee DKMG ah.Ilaa iyo hadda lama garan sababaha dhalisay in goonjeex loo magacaabo raysal wasaare ku meel gaar ah, ayadda oo la saadaalinayay in uu asagu noqonayo raysal wasaaraha cusub.Shikh shariif ayaan la ogayn cidda dhabta ah oo uu usoo magacaabi doono raysal wasaaraha cusub balse waxaa aay baarlamaanku wadaan siddii uu Cabdi waaxid u noqon lahaa raysal wasaaraha rasmiga ah ee DKMG ah. Cali Yaasiin GurbeGotenborg-Swedan