Mogadishu 13, June.07 ( Sh.M.Network) Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxaa lagu magacaabay wasiirka G/dhigga in uu noqdo Col. C/risaaq Isxaaq Biixii oo ay isku heyb yihiin Col. Barre Hiiraale oo xilkaasi horey looga qaaday.
Wareegtadaan lagu magacaabay Col. C/risaaq ayaa waxaa Shabelle u aqriyay Afhayeenka xafiiska Ra'isulwasaaraha C/laahi Codka.
Magacaabista xilkani ayaa ku aadan dardar galinta iyo habsami u socodsiinta howlaha ciidanka xoogga dalka iyo adkeynta amaanka Qaranka sida lagu xusay wareegtada.
Magacaabista wasiirka cusub ee wasaaradda G/dhigga ee uu soo jeediyay Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa waxaa aqbalay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed.
Jagadaan ayaa waxaa horey u ahaan jirey Col. Barre Hiiraale, waxaana laga qaaday ka dib markii lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay wax qabadka wasaaraddaasi, inkastoo Col. Barre Hiiraale uu iska fogeeyay arinkaasi.