Iska horimaad hubeysan iyo qaraxyo ka dhacaya magaalada Muqdisho
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 25, June.07 ( Sh.M.Network) Israsaaseyn xoogan ayaa waxa ay ka soconaysaa inta u dhaxeysa warshadda Baastada iyo isgoyska SOS ee W/bari Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, xilli ay ka dhacayaan caasimadda qaraxyo xoogan habeenkii 4aad oo Bandoow uu saaran yahay magaalada Muqdisho.
Iska horimadkaan oo bilowday abaarihii 7:50 Pm saacad ka dib xilliga Bandoowga ataa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha uu geystay.
Lama oga si rasmi ah iska horimaadkaan cidda uu u dhaxeeyo laakiin waxaa goobta uu ka soconyo ay fariisin u tahay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladdda, iyadoo habeenadii la soo dhaafay ay weeraro halkaasi ku soo qaadayeen kooxo aan la garaneyn.
Dadka deegaanka ee nawaaxiga Warshadda Baastada ayaa waxa ay inoo sheegayaan in ay maqlayaan rasaas culus iyo mid fudud oo la is dhaafsanayo.
Lama hayo faahfaahin ku aadan qasaaraha iska horimaadkaan.
Sidoo kale Qaraxyo xoogan ayaa laga maqlayaa habeenkii 4aad magaalada Muqdisho oo bandow dowladda KMG ah ay ku soo rogtay uu saaran yahay, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen qaraxyadaan la maqlayo.
Ilaa iyo haatan 3 qarax oo xoogan ayaa waxaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, lama oga qaraxyadaan waxa ay yihiin iyo cidda lala beegsaday iyo qasaaraha ay geysteen.
Mid ka mid ah qaraxyadaan ayaa waxa uu ka dhacay Igoyska Howl-wadaag sida uu shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka oo qadka teleefoonka inagula soo xiriirey, iyadoo ciidamada booliska ay fureen rasaas badan, lama oga rasaastaasi qasaaraha ay geysatay.
labo ka mid ah qaraxyadaan ayaa waxa ay isku jireen muddo 25 daqiqo ah, waxaana qarixii hore la maqlay abaarihii 7:05 PM, halka midka kalena uu dhacay abaarihii 7:45 PM iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas goos goos ah oo aan la ogeyn cidda is dhaafsatay.
Waxaa jiro xiriiro xagga isgaarsiinta ah oo shabelle ay wado oo ay ku ogaaneyso qaraxyadaan qasaaraha ay geysteen maadaama wariyeyaasha ay ku adag tahay in ay banaanka tagaan.
Waa habeenkii 4aad oo Bandoow uu saaran yahay caasimadda Somalia oo ay ka dhacaan qaraxyo.