Dagaal qabiileyd oo xoogan oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo Muqdisho
Muqdisho
Dagaal Xoogan ayaa laga cabsi qabaa in uu ka qarxo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdidsho sida ay saadaaliyeen dadka u guur gala arimaha Siyaasada..
Arimaha dagaalkaan ayaa soo dadajin rabo kadib markii ciidamo beeleedyo ka amar qaata Nuurdaqle ay soo dageen Suuqa Bakaaraha iyagoona ganacsatada ku amray in ay u guuraan suuq Bacaad arintaas oo ka dhiidhiyeen kooxa ganacsatada ee Suuqa Bakaaraha.
Dagaalka oo laga cabsi qabo in ciidamada DFKMG ay u kala jabaan laba dhinacee iska soo horjeeda si laba maalin ka hor ka dhacday Suuqa Bakaaraha oo keentay in ciidamada u kala jabaan qabiil taasoo magaalada laga cabsin qabo in dagaalkii ugu xumaa uu ka dhaco Muqdisho.
Arinta hadda socota oo u muuqato mid lagu cuuryaaminaayo dhaqaalaha dadka reer Muqdisho ayaa waxaad ugu xumaaday beesha caalamka oo iyagu keenay in Soomaaliya ay fara galisa ciidamada Itoobiya
Horey ayaa loo xiray suuqyo waaween oo ku yaalo koonfurta Muqdisho kuwaas oo loo raray waqooyiga Muqdisho sida Suuqii xoolaha ee ku yiilay Dayniile oo dan yar badan ay wax ka soo galeysay
Arunta murugsan ee taalla Muqdisho hadaan rabi u bixin duul caafimaad qabo in ay noqon doonta meel uu ka dhaco dagaal xun oo lagu hoobtay ,saadaalin la sameyey 16kii sano dagaalada ka jiray Muqdisho waxaa la sheegay kan hadda socdaa uu ka dhimasho iyo dhaawac iyo barakicin ka badan yahay
Maxamed Nuur Cabdi Dayniile,Muqdisho
maxamed_nuur@hotmail.
News Update in English www.dayniileone.com