Ma dhabbaa in Boqortooyada Sacuudiga ay gaarsiisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya 33 Milyan oo qeyb ka ah 190 Milyan oo dollar oo ay ugu yaboohday.?
Warar laga soo xigtay shaqsiyaad codsaday in aan magacooda la xusin ayaa ayaa sheegaya in dowlada Sacuudiga ay ku taageertay ciidamada
Itoobiya ee ku soo duulay dalka Soomaaliya lacag dhan $190 Milyan oo
dolarka Maraykanka ah, lacagtaasoo sida ay wararku sheegayaan ay u soo marisay qeybteedii ugu horeysay
oo dhan 33 Milyan oo dollar ra’isul wasaaraha dowlada KMG ah Cali Maxed Geedi, waxaana lagu wadaa Prof. Geeddi in lacagtaasi uu ku wareejiyo wasaarada arrimaha dibedda Itoobiya.
Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada ay qaaday dowladda Sacuudiga
in ay tahay mid aaney marnaba ka filayanin ay ka timaado dowlad sida Sacuudiga oo kale ah, waxaana jira warar kale oo sheegaya in Cali Maxéd Geeddi la soo siiyay
balanqaadyo dheeraad ah oo dhinaca dhaqaalaha ah, waxayna dadka Soomaaliyeed ku tilmaamayaan dowladda Sacuudiga in ay noqotay dowladii carbeed oo dhaqaalo ku taageerta haysashada gumaysiga dalka qabsaday.
Maxamed Nuur Cabdi Dayniile,Muqdisho
maxamed_nuur@hotmail.
News Update in English www.dayniileone.com