Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

dhabadhilif C/laahi Sheekh xasan in khilaaf with other dhaba

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

dhabadhilif C/laahi Sheekh xasan in khilaaf with other dhaba

Postby Hiiraan boy » Wed Aug 08, 2007 9:22 am

Siyaasiga C/laahi Sheekh xasan oo ka soo horjeestay go’aanka gudiga shirka dib u heshiisiinta.

Mogadishu,8, August 2007 (HornAfrik Media)

Siyaasiga c/laahi sheikh Xasan oo ka mid ah ergooyinka beelaha Hawiye ee ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta ayaa ka soo horjeestay go’aanka gudiga shirka ee ahaa in loo gudbay wajiga labaad ee shirka oo ah siyaasad.

c/laahi sheeekh Xasan oo hadal ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in la iftiimiyo 2,000 ergooyinka shirka isagu yimid sida loo qeyb saday maadaama ay wali jiraan xubno katirsan beelaha Hawiye oo shirka ka maqan isagoo ugu baaqay beesha Hawiye hadii ay khilaafsan yihiin shirka iyo hadii kaleba ay ka hadlaan go’aankooda rasmiga ah.

Waxaa uu soo hadal qaaday siyaasigu warkii uu soo jeediyay gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Mudane Cali Mahdi oo ahaa in loo talaabsaday dhinaca siyaasasda islamarkaana laga gudbay qodobkii ahaa xalinta dhibaatooyinka beelaha dhexdooda waxaana uu ku tilmaamay c/laahi sheikh xasan hadalkaasi mid aan wax macna ah ku fadhin.

“,Aniga hada iima muuqato siyaasiin fadhisa shirkaan marka waa inaan wax laga bedelin mana ahan in ergooyinka wax loo meeriyo idinkuna ma i hidin dad u bisil in lala hadlo hadii ay saas tahayna shirkaan waxba ka soo bixi maayaan”, sidaani waxaa yiri C/laahi sheikh xasan oo kuleyl daran uu ka muuqanayey maanta.

waxaana uu banaanka uga baxay madasha shirka in kastoo uusan goobta oo dhan ka tagin

Gudoonka shirka oo ay ka muuqanaysay in aysan ku qanacsaneyn hadalka ka soo baxay C/laahi sheikh xasan ayaa iyagu horay u sheegay in loo gudbay qodobka siyaasada islamarkaana la xaliyey arrimihii beelaha.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo fara badan oo ku aadan qaabka shirka iyo waliba ergooyinkii shirka ka qayb galay oo aan la dhacsanayn shirkaasi.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: LeJusticier and 14 guests