Maamulka Cusub ee Labaxay Maakhir State iyo Puntland Oo Hadalo Kulul Isdhaafsada
News (Garoowe}15.8-7
Dowlad goboleedka Puntland oo ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah islamarkaana ay riyo kujiraan dadkii ku dhawaaqey maamul dhawaan lagaga dhawaaqey gobolka Sanaag oo lagu magacaabo "Maakhir State"....laakiin hadalkaas waxaa jawaab kulul ka bixiyay madaxweynaha maamualkaasi Maakhir State Korneel Jibriil Salaad......................................
Maamul goboleedka puntland ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyey maamul dhawaan lagaga dhawaaqey gobolka Sanaag oo lagu magacaabo "Maakhir State".
Wasiirka warfaafinta ee Puntland C/raxmaan Bangax oo la hadlayey warbaahinata, ayaa ku tilmaamey maamul dhawaan looga dhawaaqey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag in uu ahaa mid waxba kama jiraan ah islamarkaana ay riyo kujiraan dadkii ku dhawaaqey maamulkaasi sida uu Bangax yidhi.
Waxaa si kulul hadalkaasi uga jawaabey madaxweynaha maamualkaasi Maakhir State Korneel Jibriil Salaad, oo sheegey in Puntland aaney awood u laheyn in ay ka hadasho waxaa ka jira gobolka Sanaag.
Korneel Jibriil waxaa uu intaasi ku darey in maamulkaani uu yahay mid sharci ah oo islamarkaana ay somalia ay ka warheyso.
Deegaano ku yaala gobolka Sanaag ayaa waxaa sanadooyinkii laga soo gudbey ka jirey xiisado u dhaxeeyey maamulada Somaliland iyo Puntland, iyadoo maamulkanina uu noqonayo maamul kale oo seddexaad oo ka jira gobolada waqooyi ee waddanka Somalia.
.widhwidhonline@gmail.comWidhwidh Online News Desk..Media Center