Postby Voltage » Sun Jan 06, 2008 7:04 pm
baa tihiin and they seem to be mad and I cannot help but understand why? Many ethnic groups live in Kenya and Luos are not mad when Kikuyu say you are Luo ethnic group and not Kikuyu so why are Somali Bantu mad when it is not a secret that they are not part of the Somali ethnic group but still do live in Somalia due to history?
They seem to be mad about this and I don't know why they are wallahi.
Mowliid Macaane "Col: Yuusuf wuxuu yiri Jareerweyne Somali ma ahan"
Posted by Baydhabo
Sunday, January 06 @ 06:22:17 PST
Waiirkii hore ee dhallinyaradda iyo isboortiga Mowliid Macaane oo xalay wareysi siiyey Idaacadda HornAfrik ayaa eed kulul u soo jeediyey madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo uu ku eedeeyey in uu yasmo iyo xaqiraada ku wada beesha Jareerweyne oo ku tilmaamay beel aan Soomaali aheyn oo shisheeye ah.
Xildibaan Mowliid Macaane ayaa sheegay in dhawaan isaga iyo rag wasiiro iyo xildhibaanno ah ay salaan ugu tageen madaxweynaha, markaasi kadib sida uu xusay Mowliid Macaane Col. Yuusuf uu ku yiri, isagoo salaan uu salaamay ka qaadayo '"Jareerweyne Somali ma ahan, ee waa Zinzinbarian". ayuu qeexay Mowliid Macaane in hadalkaasi uu ku yiri Col. C/laahi Yuusuf mar isaga iyo rag ka tirsan dowladda ay ku booqdeen madaxtooyada Baydhabo.
Mar la weydiiyey Mowliid Macaane sida hadalkan looga rumeysan kara in uu ka soo yeeray madaxweynaha iyo in uu Mr Mowliid u oranaya sidan kadib markii uu iska dhex waayey liiska golaha wasiiradda ayaa waxaa xusay in ay marag u yihiin ammuurtan mas'uuliyiin ay kamid yihiin wasiirkii gaashaandhigga C/risaaq Isaaq Biixi, Maxamed Ibaarin Xaabsade, wasiirka gaadiidka circa iyo dhulka iyo rag kale.
Mowliid Macaane ayaa sheegay in beeshiisa Jareerweyne aysan ku qanacsaneyn xubnaha laga siiyey golaha wasiiradda, isagoo meel kasta oo ay waxgaradka beesha ku sugan tahay ugu baaqay in aysan aqbalin waxa ay soo dhoodhoobeen C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde waa sida hadalka uu u dhigaye.
Wasiirkii hore ee dhallinyarradda iyo isboortiga dowladda KMG ah Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa xilkiisa golahan cusub ee wasiiradda waxaa looga magacaabay Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo kamid ah milkiilayaasha raadiyaha madaxa banana ee HornAfrik.