Postby Somalian_Boqor » Sat Jul 26, 2008 2:45 pm
Garowe: Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlay Golaha Baarlamaanka ee Puntland.
26. juli 2008
--------------------------------------------------------------------------------
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasumada Puntland ayaa maanta la hadlay Xubnaha golaha baarlamaanka ee Puntland ,isagoo kala hadlay xaaladaha qalafsan ee ka taagan deegaanada Puntland.
Madaxweyne Yuusuf wuxuu golaha ugu baaqay in aan waqtigan loo baahneyn khilaaf cusub oo ka dhex abuurma baarlamaanka Puntland & golaha Wasiirada ,isagoo tibaaxay in loo baahan yahay in la raaco dariiqa lugu badbaadin karo gobalada Puntland.
Mudane Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in amaanka deegaanada Puntland loo baahan yahay in siweyn looga shaqeeyo ,wuxuuna ugu baaqay dawladda Puntland oo dhan in ay muhiimadeeda koowaad saarto arimaha amaanka ee ka sii daraya.
Madaxweynaha Soomaaliya mar uu hadlayay arimaha Doorashada ayuu usheegay dadweynaha Puntland in aysan jirin wax waqti ah oo loogu darayo dawladda hada jirta ,wuxuuna sheegay in looga baahan Hogaanka Maamulka Puntland in ay qabtaan doorashadii Puntland waqtigeeda ayna shacabku umadax banaan yihiin cidii ay dhiiban lahaayeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usheegay golaha Wakiilada in Dastuurka cusub ee horyaala loo baahan yahay in la eego ,markaasna ay ansixiyaan ama diidaan isagoo sheegay in hadii ay qaladaad soo galaan markii la soo daabaco kan dawladda Soomaaliyeed dib loogu laabanayo lana sixi doono.
Madaxweynuhu wuxuu ku sheegay heysta Magaalada Laascaanood arin aan loo baahneyn ,wuxuuna usheegay dawladda Puntland in loo baahan yahay in ay dalka Puntland oo dhan amaankiisa sugto ayadoo la raacayo Dastuurka dawladda Puntland.
Khudbada Madaxweynaha Soomaaliya oo saxaafada loo diiday in la duubo ,ayaa wuxuu sheegay in uu maalmaha soo socda qaban doono shir jaraa'id oo uu uga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya ,wuxuuna uusan si rasmi ah usheegin waxyaabaha ay booqashadan ku saabsan tahay.
F. C. Geylan
AllPuntland