Ahlu Sunah Waljamaacah oo la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Wabxo iyo qeyb ka mid ah Maxaas.
Maleeshiyaadka Urur diimeedka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa guul horu dhac ah ka gaaray dagaalo ay manta kula galeen Deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo G/gaduud, iyagoona sheegay inay Kooxda Alshabaab kala wareegeen Deegaanka Wabxo ee Gobolka G/gaduud.
Afhayeen u hadlay Ahlu Sunah Waljamaacah oo la yiraahdo Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa Warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen Deegaanka Wabxo isla markaana ay ka saareen waxa uu ugu yeeray Khawaarij
Waxaa uu sheegay inay soo gaba gabeeyeen howl gal weerar ah oo ay ku qaadeen Wabxo, isagoona sheegay in guud ahaan Deegaanka Wabxo oo bilo ka hor dagaal adag ku dhex maray iyaga iyo Alshabaab.
Sheekh C/risaaq ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qeyb ka mid ah Deegaanka Maxaas ay gacanta ku hayaan, isagoo tibaaxay in wali ay dicaayadooda ku jiraan weerarna lagu soo qaaday sida uu yiri
Labada Deegaan ayaa waxay yihiin kuwo aan sidaa u kala fogeyn, waxaana sida muuqata wali la dareemayaa xiisadaha u dhaxeeya Shabaab iyo Ahlu Sunah, kaasoo ku soo goostay deegaanada Gobolka Hiiraan.
Labadan Urur Diimeed ayaa horay ugu dagaalamay deegaano ay ka mid yihiin Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, halkaasoo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana Ururkan uu u muuqdaa mid la wareegaya Deegaanada Gobolka G/gaduud oo idil.
Xaaladaha Labada degmo ayaa caawa degan, inkastoo Degmada Maxaas ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, waxaana ka sokow dagaalka u dhaxeeya Ahlu Sunah iyo Alshabaab ka qeyb qaadanaya Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka.
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com