Garowe: Puntland President Opens Welfare Agency First in the Country.
Garowe: Madaxweynaha Puntland oo maanta furay Hay'ada Daryeelka Bulshada Puntland...Warbixin Kooban...21. maj 2009
Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa maanta markii ugu horeysay furay oo ka qeybgalay caleema saarka Hay'ada Samafalka ama Daryeelka Bulshada Puntland oo looga dhawaaqay magaalada Garowe.
Munaasadan oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka, Wasiirada Puntland iyo Aqoonyahanada deegaanada Puntland oo hadalo ka jeediyey.
Agaasimaha Hay'adan cusub ee Daryeelka Bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Cilmi (Gureey) ayaa sheegay in ay hay'adan wax-qabad muuqda ka sameyn doonto deegaanada Puntland, isagoo ka codsaday dadweynaha Puntland in ay la shaqeeyaan si loo gaaro horumar wanaagsan.
Mr. C/shakuur wuxuu ka soo shaqeeyey Wasiirka Arimaha gudaha, Dowladdaha Hoose & Horumarinta Reer Miyiga ee Puntland Jen. C/laahi Axmed Jaamac oo madasha maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la taakuleeyo Hay'adan si wax loogu qabto shacabka Puntland, wuxuuna sheegay in ay hay'adan noqon doonto mid bulshada Puntland meel-sare gaarsiisa.
Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ayaa hadal uu ka jeediyey Xafladii caleema saarka Hay'ada wuxuu shaaca ka qaaday in Hay'adan lugu soo beegay waqti muhiim ah, wuxuuna tilmaamay in ay howlo badan dhowrayaan, isagoo ku booriyey madaxda dowladda in gacan lasiiyo hay'adan si ay ugudato waajibaadka saaran ee ay uqaaday deegaanada Puntland.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Md, C/rishiid Maxamed Xirsi ayaa ku sheegay dhismaha Hay'adan mid horumar weyn u ah deegaanada Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in uu uarko dhismaha hay'adan Isbadal weyn oo uu la timdi Xukuumada cusub ee Puntland, isagoo sheegay in uusan Maamuladii hore ka arag hay'adan oo kale.
Gudoomiyaha ayaa kula dar-daarmay Madaxda Hay'adan in ay waxqabad muuqda sameeyaan kana faa'iidaystaan fursadaha qaaliga ah ee ay heysteen, si loo gaarsiiyo deegaanada Puntland horumar la taaban karo, isagoo sheegay in ay waliba Bulshada ubaahan tahay waxqabad deg deg ah oo dhinac walba ah, isagoo tilmaamay in ay dowlad ahaan garab istaagayaan hay'ada.
Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo xaflada soo xiray ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhismaha Hay'adan oo uu sheegay in ay wax weyn ka qaban doonto xaaladaha deegaanada Puntland ee dhinaca Bulshada, isagoo sheegay in Miisaaniyadii dhawaan ay meelmariyeen baarlamaanka Puntland ay howlaha bulshada dowladdu ugu talagalay lacagta ugu badan.
" Dowladdu waxa ay dooneysaa in ay dadkeeda Puntland gaarsiiso horumar wanaagsan oo la taaban karo, waayo waxaad arkaysaan in ay dadkeenu ubaahan yihiin Horumar lama huraana waa in aan gaarno guulo la taaban karo, si dadkeenu unoqdaan kuwa dhinac walba horumar ka gaara" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhismaha Hay'ada Daryeelka Bulshada Puntland waa markii ugu horeysay oo la asaaso waxaa jiray isku dayo badan oo ay horay usameeyeen Aqoonyahano badan oo udhashay deegaanada Puntland, balse ay ku guuldareysteen, inkastoo ay waqtigan Xukuumada Madaxweyne Faroole dhistay hay'adaasi oo la rumeysan yahay in ay wax ka qaban doonto xaaladaha deegaanada Puntland.
F. C. Geylan
AllPuntland