Boqorka beesha Darood Boqor C/laahi Boqor Muuse ayaa ka qeybgalaya shir kadhacaya magaalada madaxda dalka Liibiya Tripolis. Shirka ayaa lagu wada inuu si rasmi ah u furmo beri, iyagoo ay isugu imaan doonaan madax dhaqameedyada iyo Boqoradda qaaradda Africa.
Maanta ayaa waxaa si gaar ah u shiray isimadda Geeska Africa, shirkii maanta ayaa ahaa is barasho iyo in ay sameyaan hal qoraal oo ay isugu mideeyaan afkaartooda, qoraalkaas ayaa noqonaya codka ey kaga qeybgalyan shirka Afrika iyadoo qolo walba kusoo bandhigeyso arrimaha shacabka ay matalaan muhiimka u ah.
Boqorka ayaa gudbiyey qoraal ku saabsan dhibaatada guud ee dalka Soomaaliya ku habsatay muddo dheer iyo iney muhiim tahay doorka ey leeyihiin oday dhaqameedyada maadaama ay matalaan shacabka soomaaliyeed ee meelwalba ku dhibateysan.
Soomaalida waa qabaa’ilo waxaana loo baahan yahay in beelaha dhexdooda heshiiyaan oo oday dhaqameedyadana door weyn ka qaataan sidii loo heli lahaa maslaxad guud. wuxuu kaloo diiradda saaraya dhibaatadda burcad badeeda iyo xal uhelideeda.
Shirkii maanta ayaa waxaa ka qeybgalayay Isimo ka socda dalalka Geeska Afrika sida, Sudan, Kenya, Tanzania, Uganda, Jabuuti iyo Somaliya.
Forumka Isimada Afrika ayaa la aasaasay sanadkii hore waxaana gudoomiya guddoomiyaha kacdoonka dalka Liibiya ee Muammar Gaddafi, isagoo isla sandkii hore loogu doortay Boqorka qaaradda Afrika.
sawirada halkaan ka fiirso http://horseedmedia.net/portal/somali/25006/