Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Ururka IGAD, Daawo Sawirada
Written by Qarannews
Dec 06, 2009 at 12:28 PM
Hargeysa (Qarannews)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, warsaxaafadeedkaasi oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qarannews ayaa shaaca lagaga qaaday in uu dalka yimid wafti ka socda dalalka IGAD
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada, Wefdi balaadhan oo ka socda Urur Goboleedka Wadamada Bariga Afrika, marka la soo gaabiyana loo yaqaan IGAD.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayay, Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, oo wadamada IGAD u qaabilsan arrimaha horumarinta ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo wefdiga kala hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu marka hore ugu mahad naqay wefdiga booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu sheegay Madaxweynuhu in booqashadani aanay noqon doonin tii ugu danbaysay ee ay mustaqbalka socdaalo kale ku iman doonaan Somaliland.
Mudane, Kipsuto Arab Kirwa, waxa kale oo uu Somaliland ugu mahad naqay, tallaabooyinka ay ka qaaday la dagaalanka Argagaxisada iyo Budhcad badeeda, taasi oo u baahan in wadamada kale ee mandaqaduna kaga daydaan Somaliland, gaar ahaan wadanka ay dariska yihiin ee Soomaaliya oo aynu ognahay dhibaatooyinka ka taagan.
Gabo gabadii, Hogaamiyaha wefdigu waxa uu ballan qaaday in uu u gudbin doono shirka madaxda wadamada IGAD ee ka dhici doona Magaalada Jabuuti wixii ay ku soo arkeen intii ay joogeen Somaliland”.
Kulankani waxa maanta madaxweynaha ku weheliyay oo ka qayb qaatay kulankaasi wasiirka maaliyada,qorshaynta,warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka qorshaynta qaranka , safiirka wareega ee Somaliland iyo xoghayaha khaaska ah ee maadaxweynaha.
Qarannews