GAROOWE: M/kuxigeenka Puntland oo Maanta Xariga ka Jaray Safaarad ay ku Yeelaneyso Dowlada Ethopia Puntland.(SAWIRO)
Posted to the Web May 29, 08:33
Garoowe: (pp)- waa markii ugu horaysay ee dowlada Ethopia ay safaarad ka furato deegaanada puntland waxaa maanta xarunta wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska dowlada puntland lagu qabtay xaflada balaaran oo xariga looga jarayo safaarada cusub ee Ephopia ay ku yeelaneyso deegaada puntland gaar ahaan caasimada puntland ee Garoowe.
Musaasamadaan xariga looga jarayo safaarada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada puntland gaar ahaan madaxwayne kuxgeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka,Odayaal dhaqmeedyo, wasiiro ,xunbo ka socday dowlada Ethopia iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada rayidka.
Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya, ayaa halkaas ka oo jeediyey warbixin iyo hambalyo uu uga wado Dowlada Ethopia puntland madaxdeeda sare, waxaana uu sheegay in safaaradaani ay tahay tii ugu horaysay ee laga furo deegaada puntland oo ay leedahay Ethopia taas oo wax wayn ka qaban doonta xiriirka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan xiriirka dibada iyo ganacsigaba.
Sidoo kale waxaa uu sheegay mr asmalaash in munaasamadaan lagu xusayo doorashadii afraad ee ay ku guulaystaan xibiga talada haya ee RDPF taas oo si dimuquraadiyada uga dhacday dalka Ethopia, isagoo sheegay in ay u hambalynayaan guulaha laga gaaray doorashada dalka itoobia ka dhacday.
Wasiirka qorshaynta iyo iskaasha Caalamiga Daa'uud Maxamed Cumar ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyey Madaxwayne kuxgeenka ahna sii hayaa xilka madaxwaynaha puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa si rasmiya xariga uga jaray munaabamadaan lagu furayo safaarada Ethopia ay ku yeelaneyso deegaanada Puntland gaar ahaan Caasimada Garoowe waxaana uu M/kuxigeenka intaas ku daray in madaxda dalka Ethopia ay uga yimaadeen fariimo isugu jira hambalyo iyo salaamo ayna taas mid leeg ay u dirayaan.
dhanka kale waxaa uu M/kuxigeenku sheegay in safaaradaani ay wax wayn ka qaban doonto xiriikii isku socodka safarada dalka Ethopia iyo puntland oo ah laba dal oo xiriir wanaagsan ka dhexeeyo taas oo ahmiyad u leh shacabka reer puntland oo horay ugu dhibtoon jiray iney si fudud u galaan dalka Ethopia.
M/kuxieenka Puntland ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka reer Ethiopia gaar ahaan xisbiga talada ku guuleystay oo si dumuqraadiyada uga hir galiyey Ethiopia doorasho xora ah, taas hogaamin doono Melan Sanawi oo ah nin wax wayn kala socda xaalada soomaliya.
Ugu dambayntii M/kuxigeenka ayaa kormeer ku tagay xarunta safaarada cusub ee maanta xariga laga jaray isaga oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta Dowlada Ethopia u fadhiya Safaarada gaar ahaan Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya.
Siciid Cabdisalaan Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Garoowe
E-mail
loole15@hotmail.com
http://www.puntlandpost.com/newspage.ph ... leid=11923