Sanaa is opening a consulate in Garowe.M/weyne Faroole & waftigiisa oo la kulmay M/weynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saaalax.
Sanca, Oct 08 - Waxaa maalmihii la soo dhaafay safar hawleed ku joogay dalka Yemen wafti uu hogaaminayo M/weynaha Puntland C/raxamaan Maxamed Faroole. Waftiga M/weyne Faroole iyo waftigiisa ayaa maanta la kulmay M/weynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo martiqaad u fidiyey waftiga.
Kulanka labada mas'uul ayaa lagy gorfeeyey iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha oo dhex mara labada ummadood, iyada sidoo kalena lagu gorfeeyey siyaasada murugsan ee Somaliya.
Yemen ayaa ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Somaliya, taageerana u fidisa shacabka Somaliya.
Waxaa ku nool dalka Yemen qaxooti tira badan oo Somali ah, xaaladooda nololeedna ay liidato.
M/weyne Faroole ayaa waxaa safarka ku weheliya xubno uu ka mid yahay wasiirka amniga ee Puntland Gen. C/llahi Axmed Jaamac 'Ilkajiir'.
Waftiga M/weynaha ayaa hore ula kulmay wasiirada arrimaha gudaha & warfaafinta ee dalka Yemen.
Mudadaii uu waftiga M/weyne Faroole ku sugnaa magaalada Sanca ee dalka Yemen waxaa uu la kulmay C/llahi Yusuf Axmed, M/weynihii hore ee dawlada federaalka ah ee Somaliya, ahaana M/weynihii hore ee dawlada Puntland.
Labada mas'uul ayaa kulamadooda ku gorfeeyey adkaynta amniga ee gobolka, midnimada shacabka Puntland, iyo horumarka bulsheed ee Puntland.
Waftiga M/weyne Faroole oo hore safar hawleed ugu maray dalalka Ethiopia & Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto maalmaha soo socda.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir
Yemen and Puntland, two brotherly states.